HomeCaalamka(SAWIRO): Aqoonsiga haraagii maydadka Askarta Maraykanka oo qaadan karta maalmo ama sannado.

(SAWIRO): Aqoonsiga haraagii maydadka Askarta Maraykanka oo qaadan karta maalmo ama sannado.

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

55 Sanduuq oo ay ku jiraan haraagga maydadkii Askarta Maraykanka ayaa la filayaa in goor dambe oo maanta laga dejiyo Jesiiradda Hawaii ee dalka Maraykanka.

Maydadkaasi waxay qeyb ka yihiin Haraaggii Askartii Maraykanka ee lagu dilay Dagaalkii ka dhacay Kuurya sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii.

- Advertisement -

Dowladda Waqooyiga Kuurya ayaaoggolaatay bishii June ee sannadkan inay dib u soo celiyaan Haraaga maydadkaasi oo lagu dilay gudaha dalkooda muddadii uu socday Dagaalkii Kuurya.

Khubarada ku takhasustay Baaritaanka Hiddo-sidaha DNA oo ku sugan Jesiiradda Hawaii ayaa la filayaa inay baaritaan ku sameeyeen Maydadkaasi, si loo aqoonsado Ehelladooda weli nool.

- Advertisement -

Khubarada waxay sheegeen inuu baaritaankooda qaadan doono muddo u dhexeysa 3 maalmood  ilaa 20-sanno si loo dhamaystiro baaritaankaasi.

Cadad ka mid ah Haraagga Maydadkaasi waxaa la sheegay in loo diri doono Shaybaarka Milliteriga Maraykanka ee Aqoonsiga Hiddo-sidaha ee DNA, kuwaasi oo baaritaan kale ku samayn doona iyo inay is-barbar dhigaan muunadaha (Samples)-ka laga qaaday Qoysaska ay Askartu ka maqan yihiin.

Haweeney lagu magacaabo Gail Embery oo iyadoo 10-jir Aabaheeda, Saddex Alifle Coleman Edwards lagu waayey Dagaalkii Kuurya ayaa sheegtay inay rajo ka qabto in haraagga maydkii Aabaheeda ka mid yahay Haraagga Maydadkaasi ee maanta la geyn doono Jesiiradda Hawaii.

Haweeneydaasi oo haatan 71-jir ah waxay kaloo sheegtay inay mar kasta Hamiga ku hayso inay maydka Aabaheeda heli doonto goor ay ahaataba.

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Maraykanka, Mike Pence ayaa la filayaa inuu maanta tago Jesiiradda Hawaii si uu ula wareego Haraagga Maydadka oo ay QM ka so oqaaday dalka Waqooyiga Kuurya.

Si kastaba ha ahaatee, wadar dhan 5,300 Askar Maraykan ah ayaa la rumeysan yahay in la la’ yahay, kuwaasi oo haatan ku sugan Waqooyiga Kuurya.

WQ: Ustaad Nuradin

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories