HomeWararHay’adaha ammaanka oo baaritaano ku haya Nin weerarey mid ka mid ah...

Hay’adaha ammaanka oo baaritaano ku haya Nin weerarey mid ka mid ah Xarumaha Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hay’adaha ammaanka deegaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay nin xalay fiidkii Bambada gacanta laga tuuro ku weeraray xarunta maamulka Garasbaaley, duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ragga weerarkan geystay oo ahaa Laba qof ayaa waxa ay Bambo gacmeed ku tureen xarunta Garasbaaley, intaasi kadib ayaa waxaa ku baxay ciidanka ammaanka oo markii horeba ku jiray […]

- Advertisement -

Hay’adaha ammaanka deegaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay nin xalay fiidkii Bambada gacanta laga tuuro ku weeraray xarunta maamulka Garasbaaley, duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ragga weerarkan geystay oo ahaa Laba qof ayaa waxa ay Bambo gacmeed ku tureen xarunta Garasbaaley, intaasi kadib ayaa waxaa ku baxay ciidanka ammaanka oo markii horeba ku jiray feejignaan, waxaana suuragashay in gacanta lagu dhigo mid ka mid ah raggaasi.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen ninkan ay gacanta ku dhigeen in isla xalayba ay u gudbiyeen saldhig galbeed ee degmada Dharkeynley, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Waxay kaloo sheegeen saraakiisha ammaanka in ninkan uu ka tirsan yahay Al Shabaab, islamarkaana ay ciidamada ku daba jiraan ninkii kale ee la socday shaqsiga ay hada Hay’adaha ammaanka gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble ayaa xaqiijiyay in aanay jirin khasaare ka dhashay weerarkaasi, marka laga reebo burbur yar oo soo gaaray darbiga ay Bambada ku dhacday.

- Advertisement -

Guddoomiye Ibraahim ayaa ciidamada ku ammaanay hawlgalka ay ku soo qabteen ninkan, wuxuuna ku dhiirageliyay inay sii laba jiraabaaraan shaqadooda, si degaanka nabad uu u noqdo.

“Nin cadowga ka mid ahaa ayaa xalay ay ciidamada gacant ku dhigeen, wuxuu weerar fuleynimo ah ku soo qaaday xarunta maamulka, weerarkaasi wuu dhicisoobay, sida aad maqasheen dhagar qabaha waxaa gacanta ku dhigay Hay’adaha ammaanka, waxaan ciidanka uga mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee ay qabteen, shacabka waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidamada, si horey loogu sii socdo. Ayuu yiri Guddoomiyaha Garasbaaley.

Mararka qaar sidan oo kale dhalinyaro hubeysan ayaa weeraro ka geysta xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumaha maamul ee ku yaalla duleedka Muqdisho, inta badan ma dhacdo in gacanta lagu dhigo dambiilayaasha, balse xalay waxaa suuragashay in la qabto mid ka mid ah raggaasi.

Latest stories