HomeCaalamkaCiidamada Kenya oo xirey dad Soomaali oo Xarun dhaqan-celin ku lahaa Nairobi

Ciidamada Kenya oo xirey dad Soomaali oo Xarun dhaqan-celin ku lahaa Nairobi

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay qaadeen Hawlgal ay ku soo xireen dad Soomaali ah oo Xarun lagu dhaqan celiyo dadka Waalan iyo kuwa Daroogadda isticmaala oo ku taalla Xaafadda Islii ee Nairobi.

Vincent Muasya oo ah Agaasimaha Hay’adda Kenya ugu qaabilsan Ololaha ka hortaga Daroogadad (NACAD) waxa uu sheegay inay Boliska xireen Shaqaalihii ka hawl0-geli jirey Xarunta Dhaqan-celinta ee Daaru-shifa oo ku taalla Xaafadda Islii, isla markaana dadkii loo keenay Dhaqan-celinta oodda ka qaadeen, lagana wada saaray Xaruntaasi.

Waxa uu sheegay in Xaruntaasi lagu dhibaatayn jirey dadka ay Ehelkooda u keenaan Dhaqan-celinta. Isla markaana lagula kici jirey Jir-dil, laguna xiri jirey Silsilado waa weyn, waa sida uu hadalka u dhigay.

Agaasimaha Hay’adda Kenya ugu qaabilsan Ololaha ka hortaga Daroogadad (NACAD), Vincent Muasya waxa kale oo uu sheegay in Xaruntaasi si sharci-darro ah ku shaqeyn jirtay, isla markaana aysan oggolaan karin in la taageero in Dhibanayaasha loo geysto jir-dil muuqda iyo mid Nafsaani ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Milkiilaha Xarunta Dhaqan-celinta Daaru-shifa waxa uu si kulul u beeniyey Eedeymahaasi, wuxuuna xusay in dhamaan dadkii loo keenay Dhaqan-celinta ay Ehelkooda kaxaysteen.

Dhinaca kale, Hawlgalka ay Boliska Kenya ku xireen Shaqaalihii iyo Xarunta Dhaqan-celinta ee Daaru-shifa ayaa la fuliyey, kadib, markii uu Telefishinak BBC-da laga baahiyey Warbixin  Dukumentari ah, oo muujinaya jir-dil loo geysanayo dadka dhaqan-celinta loogu hayey Xarunta Daaru-shifa ee Xaafadda Islii ee Nairobi.

Warbixintaasi Muuqaalka leh oo mid ka mid ah Shaqaalaha Xarunta Dhaqan-celinta ee DAaaru Shifa  si qarsoodi ah u soo duubay, ayaa waxaa lagu baahiyey  Barnaamijka Isha Afrika (Africa Eye) ee ka baxa Telefishinka BBC-da.

Muuqaalkaasi ayaa waxaa laga dheehan karaa iyadoo Dhibanayaasha ku xiran Xaruntaasi  lagula kacayo jir-dil, jaydalin iyo tacadiyo kale.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories