HomeWararBooliska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay Nin dil ka geystay Magaaladda Laascaanood

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay Nin dil ka geystay Magaaladda Laascaanood

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Hoggaanka Baarista Dambiyada C.I.D  ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa Magaaladda Muqdisho ku qabtay Gacan ku dhiigle dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii la helay Xogta gacan ku dhiiglahaan oo ku dhuumanyey qeybo ka mid ah Caasimada dalka. Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bishaar Abshir Geeddi […]

- Advertisement -

Hoggaanka Baarista Dambiyada C.I.D  ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa Magaaladda Muqdisho ku qabtay Gacan ku dhiigle dil ka geeystay Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii la helay Xogta gacan ku dhiiglahaan oo ku dhuumanyey qeybo ka mid ah Caasimada dalka.

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qofka dilka geeystay lagu Magacaabo Axmed Cabdi Jaamac, uuna dilka u geeystay Marxuum Sharmaarke Maxamed Cabdi Shire, waxaana uu xusay in gacan ku dhiiglaha uu kasoo baxsaday Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

- Advertisement -

“Waxaan ku guuleysanay in lasoo qabto Gacan ku dhiiglihii isaggoo ku dhuumaaleysanayo Magaaladda Muqdisho, hadda waxuu ku xiran yahay Xarunta C.I.D” ayuu yiri Gen. Bishaar

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in laga gudbay Waqtigii Dambiile dambi kasoo galay Gobolada dalka uu ku dhuunto dalka gudahiisa.

“Waa laga gudbay Xilligii Dambiile intuu dambe ka galo Gobolada iyo degmooyinka dalka uu meel kale ku dhuunto, waxaan idin sheegayaa 15 Bishii July inuu dilka geeystay Gacan ku dhiiglahaan, waxaana qabanay 28-ka July” ayuu mar kale yiri Gen. Bishaar Abshir Geeddi.

Latest stories