HomeCaalamkaGabar Reer Falastiin oo laga sii daayey Xabsi oo sheegtay inay...

Gabar Reer Falastiin oo laga sii daayey Xabsi oo sheegtay inay sii wadi doonto Halganka Gobanima-doonka.

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Axid Tamiimi oo u dhalatay Falastiin waxay noqotay Geesi, kadib, markii ay bishii December ee sannadkii hore ay dharbaaxday Askar Yuhuudi ah, taasi oo ay ku muteysatay Xabsi 8 bilood ah.

Gabadhaasi oo 17-jir ah waxaa Axaddii hore laga soo daayey Xabsi ku yaalla Yuhuudda, iyadoo soo dhamaysatay Xabsigii lagu xukumay.

- Advertisement -

Muuqaalkii Video-ga ee laga duubay markii ay Gabadhaasi feer iyo laad kula kacday Askar Yuhuud ayaa waxa uu dareen xooggan ku abuuray dhamaan dadkii daawaday Muuqaalkaasi.

Gabadhaasi oo la hadashay dad isugu soo baxay bannaanka gurigooda waxay sheegtay inay sii wadi doonto Waxbarashadeeda Jaamacadda, isla markaana ay baran doonto Sharciga, si aan u noqdo Qareen u dooda Maxaabiista Falastiiniyiinta ee weli ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda.

- Advertisement -

Gabadhaasi waxaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyey Tuulladda Nabi Salaax ee Daanta Galbeed ee dhulka Reer Falastiin waxay sheegtay inay doonayso inay Qareen noqoto, si ay u sii ambaqaado Halganka ka dhanka ah

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Reer Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu shalay Xafiiskiisa kula kulmay Axid Tamiimi iyo Hooyadeeda.

Waxa uu ku tilmaamay inay tahay Tuusalaha Wax-iska-caabinta Nabadeed ee Falastiin,  wuxuuna intaasi ku daray in ay Caalamka u xaqiijisay halganka Reer Falastiin ee ay ku doonayaan Dhulalkooda L-ahaysto.

Waxay sheegtay inay wax badan ka soo baratay Xabsiga Yuhuudda ee loo xiray iyadoo 16-jir ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories