HomeCaalamkaQoys Soomaali ah oo ka badbaaday in laga soo musaafuriyo dalka New...

Qoys Soomaali ah oo ka badbaaday in laga soo musaafuriyo dalka New Zealand

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Qoyskaasi ayaa la sheegay inay Baasaboor Jabuutiyiin ah oo la been abuuray ku galeen dalka  New Zealand sannadkii 2002=kii, iyadoo uu la socday wiilkooda oo xilligaasi 4 jir ahaa. Xasan Fariid Shireh iyo Xaaskiisa Raxma Mayrane Dhimbil ayaa la sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii aysan Dowladda dalkaasi u masaafurin lahaayen, waxayna ku guuleysteen […]

- Advertisement -

Qoyskaasi ayaa la sheegay inay Baasaboor Jabuutiyiin ah oo la been abuuray ku galeen dalka  New Zealand sannadkii 2002=kii, iyadoo uu la socday wiilkooda oo xilligaasi 4 jir ahaa.

Xasan Fariid Shireh iyo Xaaskiisa Raxma Mayrane Dhimbil ayaa la sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii aysan Dowladda dalkaasi u masaafurin lahaayen, waxayna ku guuleysteen inay ku sii nagaan karaan New Zealand.

- Advertisement -

Sida aynu ka soo xiganay Idaacadda “Radio New Zealand” , Lammaanahaasi waxay sheegeen inay sannadkii 1990-kii ka soo qaxeen magaalladda Muqdisho, iyadoo Odayga Qoyskaasi sheegay inay Xaaskiisa khatar ugu jirtay inay Reerkiisa dhibaateeyaan, maadaama ay Waalidkiisa ka soo hor jeedeen xaaska uu guursaday.

Sannadkii 2013-kii, Maxkamad ku taalla New Zealand waxay Lammaanahaasi ku xukumay 9 bilood oo xabsi guri ah iyo 150 saacadood oo Shaqooyinka Bulshadda.

Waxaa xukunkaasi lagu riday, kadib, markii lagu helay inay Warbixin been abuur ah ka bixiyeen Xilligii Magangelyo-doon ahaanta u soo galeen dalkaasi iyo inay wateen Waraaqo Aqoonsi oo macmal ahaa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maamada Qoyskaasi, Rama Mayrane Dhimbil waxay iyada iyo gabar yar oo ay dhasheen u baxsadeen dalka Australia, kadib, markii ay dowlladda New Zealand kansal-garaysay Qaxootinimadii ay ku joogtay dalkaasi, kana cabsi qabtay haddii ay sii jeedo New Zealand  in lagala laabto Aqoonsigeeda Muwaadinimadda ee dalkaasi.

Saygeeda Xasan Fariid Shireh waxaa sannadkii hore la soo gaarsiiyey Qoraal loogu sheegay in la masaafurin doono, balse waxa uu ku guuleystay Rafcaan uu u diray  Maxkamadda Socdaalka iyo Badbaadinta ee dalkaasi.

Waxay kaloo Maxkamadda maqashay in Xasan Fariid Shiikh yahay Macallin  Luqadaha Soomaaliga iyo Carabiga u dhiga carruurta Qaxootiga ee dhigta Dugsiyadda ku yaalla magaalladda Auckland.

Latest stories