HomeCaalamkaFAALLO: Waa Maxay Qorshaha Ciiddankii Nabadsugidda Gobalka Banaadir loogu biiriyey Ciiddanka Boliska...

FAALLO: Waa Maxay Qorshaha Ciiddankii Nabadsugidda Gobalka Banaadir loogu biiriyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka ?

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Xilligii Berri-samaadka ee ay Dowladihii Rayidka iyo tii Kacaanka majaraha u hayeen Talada dalkeenna, waxay Hay’addaha Ammaanka ahaayeen kuwo Nidaamsan oo lagu jiheeyey Shaqaooyin Cayiman oo lagu xoojinayo Ammaanka iyo Nabad-sugida dalka.

Ciiddanka Nabad-sugidda oo xilligaasi la oran NNS-ta waxay ahaayeen kuwo leh Hay’ad Guud, Maamul Nidaamsan iyo Ciiddamo dhar-cad ah, kuwaasi oo si qarsoodi u gudan jirey Waajibaadkooda.

- Advertisement -

Waxaana ugu hawl adkaa Ciiddanka NSS-ta ee Dabagalka Ajaaniibta iyo Dembiyadda Qorsheysan iyo kuwa hawlahooda Xooraansiga ku koobnaa goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Suuqyadda, Baararka, Hoteelladda iyo Goobaha kale ww Adeegyadda Ganacsiga.

Hawl-gudashadooda ayaana ahayd mid miro-dhal ah, oo aysan cid kale la wadaagi jirin, ma ahayn NSS-ta ciiddan argagax geliya Bulshadda ama geysta xad-gudubyoi kale, marka laga reebo Dembiilayaasha ay baacsiga ku hayaan iyo kuwa uu raadku soo galo.

Xilligaasi, Ciiddanka NSS-ta ma ahayn kuwo xulashadooda kooban tahay, balse waxa xubahooda laga kala keeni jirey qeybaha kala duwan Bulshadda, looma eegi jirey qaababka waayadan dambe lagu shaqaaleysiiyo.

- Advertisement -

NSS-ta ma aysan ahayd Ciiddan ku hubeysan Hubka muuqda iyo Gaadiidka Teknikadda ee lagu rakibo Qoryaha Culus, waxaana Ogaalkayga ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, iyado oAskari kasta lagula xisaabtami jirey hubka uu ku hawl-geli jirey.

Sugidda Ammaanka oo ah Muraayadda Qaranka ayaa waxay Somalia ku kasbatay inay ka mid noqoto dalalka ugu Sirdoonka fiican, balse, tan iyo burburkii Dowladnimo waxa uu Ciiddankii NSS-ta noqday mid ku dhex milmay Xaalladihii taagnaa.

Dowladihii KMG ilaa Dowladda Federalka waxay bilaabeen Dib-u-dhiska iyo Dib-u-habaynta Ciiddankaasi oo magacii NSS-ta ee lagu yaqiinay lagu beddelay Ciiddanka Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee NISA,

DFS waxay xalay shaacisay in Ciiddankii NISA ee Gobalka Banaadir la kala diray, laguna wareejiyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka Banaadir.

Qaar ka mid ah  Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay noqon doonaan kuwo  dhar cad ahaan ku shaqeyn doona.

Xeeldheerayaasha Ammaanka ayaa sheegay in Nidaamkaasi yahay mid  Heer Caalami ah oo la jaanqaadi kara Istaraatijiyadda rasmiga ee Ciiddankaasi loo yegleelay inay ku gutaan  Hawlaha loo xil-saraay ee Ammaanka iyo Sirdoonka.

Waa hubaal in culaysyo laga dareemi karo sida ay Ciiddanka horey uga tirsanaa Taliska NISA ee Gobalka Banaadir, waxaana la filan kara qaladaad farsamo iyo caqabado kale, haddii aysan Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ee Khibradda leh u furin Ciiddankaasi Tababaro sare loogu qaadayo Aqoontooda iyo Hawl-fulinta cusub ee ay ugu adeegayaan Bulshadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Isbedelkaasi ma waxa uu noqon doonaa Tijaabo KMG ah, mise Qorshaha Ciiddankii Nabadsugidda Gobalka Banaadir si rasmi ahaan ayaa loogu biiriyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka ?

Latest stories