HomeCaalamkaDowladda Eritrea oo xaqiijisay booqashadda uu Madaxweyne Farmaajo maanta ku tegayo dalkaasi

Dowladda Eritrea oo xaqiijisay booqashadda uu Madaxweyne Farmaajo maanta ku tegayo dalkaasi

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo maanta booqasho 3 maalmood ah ku soo gaari doonaan Caasimadda dalkaasi ee Asmara. Qoraal uu Wasiirku soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Booqashada Madaxweynaha Somalia timid, kadib, markii uu casuumaad ka hdlay dhigiisa Eritrea, Isasias […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo maanta booqasho 3 maalmood ah ku soo gaari doonaan Caasimadda dalkaasi ee Asmara.

Qoraal uu Wasiirku soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Booqashada Madaxweynaha Somalia timid, kadib, markii uu casuumaad ka hdlay dhigiisa Eritrea, Isasias Afewerki.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka ee ABC News oo soo xigatay Wasiirka ma shaacinin faahfaahino kale oo dheeraad ah oo ku aadan Socdaalka MadaxweyneFarmaajo ku tegayo dalkaasi.

Booqashadaasi ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne ka socda Somalia ku tago dalkaasi, tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Dowladnimo ee somalia ee sannadkii1991-kii.

Diplomaasiyiinta ayaa rumaysan in Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Asmara inay muujinayso in Isbedelka Siyaasadeed ee ka dhacay dalalka Ethiopia iyo Eritrea uu u sii xuub siibanayo Diplomaasiyad Nabadeed oo ka hanaqaada Geeska Afrika .

- Advertisement -

Dowladaha Somalia iyo Eritrea waxaa guul u noqon karta inay dib u soo celiyaan Xiriirkooda Diplomaasiyadeed, taasi oo Kalsooni Siyaasadeed ka sokow wax badan ka beddeli karta Cunaqabataynta QM ee Hubka ee saaran Eritrea oo iyadu horeyloogu eedeyn jirey inay faragelin ku hayso Arrimaha Gudaha Somalia iyo inay Taageero dhaqaale iyo Milliteri siiyaan Alshabaab, inkastoo ay Dowladda Eritrera had iyo jeer gaashaanka ku dhufata  Eedeyntaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts