HomeWararWariyeyaal loo diiday in galaan Isbitaal la geeyey Askar ku dhaawacantay dagaalka...

Wariyeyaal loo diiday in galaan Isbitaal la geeyey Askar ku dhaawacantay dagaalka Baar Sanguuni

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Isbitaalka Magaladaas la geeyey qaar ka mid ah Ciidamadii ku dhaawacmay weerarkii saakey Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Baar Sanguuni.

Isbitaalka Weyn ee Magalada Kismaay oo dhaawacyadas la geeyey ayaa waxaa isku-dayey in ay Warbixino kas oo diyaariyaan si loo ogaado khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkas ka dhashay balse loo diiday in ay galaan gudaha Isbitaalka.

- Advertisement -

Wariyeyaal ku sugan Magalada Kismaayo ayaa waxaa Radio Dalsan ay u sheegeen in Ilaalada Isbitaalka ku wargeliyeen in marnaba aan la ogoleyn in Wariyasha ay Isbitaalka kas ameeyaan Warar ku saabsan dhaawacyada la geeyey Isbitaalka.

Waxa ay sheegeen in arrintaani ay tahay tii ugu horreysay ee dhacda,isla markaana ay dib ugu laabteen Xarumahooda ay ka howlgallaan ee Magaalada Kismaayo.

Latest stories