HomeWararSawirro:-Ciidanka Dowladda oo fariisin Cusub ka sameystay deegaan isku xira Gobollada Bakool...

Sawirro:-Ciidanka Dowladda oo fariisin Cusub ka sameystay deegaan isku xira Gobollada Bakool iyo Hiiraan

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol iyo Wafdi uu horkacayo ayaa maanta kormeer ku sameeyay  fariisimo cusub oo Ciidamada Xoogga dalka ka sameysteen deegaanka Teed oo qiyaastii 30-km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool. Intii ay Mas’uuliyiinta Gobolka Bakool kormeer ay ku jireen ayaa waxay la kulmeen Ciidamo ka tirsan Xoogga […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol iyo Wafdi uu horkacayo ayaa maanta kormeer ku sameeyay  fariisimo cusub oo Ciidamada Xoogga dalka ka sameysteen deegaanka Teed oo qiyaastii 30-km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Intii ay Mas’uuliyiinta Gobolka Bakool kormeer ay ku jireen ayaa waxay la kulmeen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo iyagu diyaar u ah sugida Amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Kormeerka ku sameeyay fariisimaha cusub ee Ciidamada Xoogga dalka ay ka sameysteen deegaanka Teed ayaa mid mid u xog-wareystay Ciidamada,iyagoonka la kulmay Saraakiisha Ciidamada ku sugan deegaanka Teed ee Jiida hore ee Difaaca Ciidamada.

Guddoomiyaha magaalada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macallim iyo Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka ugu bogaadiyay sida geesinimada leh ee cadowga dalka uga difaacayaan,iyagoona ku dhiira geliyay iney intaasi ka sii laba jibaaraan.

Deegaanka Teed ee Gobolka wuxuu isku xiraa Gobollada Bakool iyo Hiiraan,waana deegaana muhiim ah oo ammaankiisa aad la isugu halleyn karo.

- Advertisement -

Latest stories