HomeWararDarawal Gaadiidka dadweynaha oo Muqdisho lagu dilay

Darawal Gaadiidka dadweynaha oo Muqdisho lagu dilay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Askari ka tirsanaa kuwa Gaadiidka lacagaha ka qaada ee ku sugan Busteejada Gaadiidka laga raro ee degmada Kaaraan  ayaa waxa uu diley mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka ee ka Shaqeysa degmadaas. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Darawalka oo waday mid ka mid ah Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaano Bii’elka iyo askariga ku sugnaa […]

- Advertisement -

Askari ka tirsanaa kuwa Gaadiidka lacagaha ka qaada ee ku sugan Busteejada Gaadiidka laga raro ee degmada Kaaraan  ayaa waxa uu diley mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka ee ka Shaqeysa degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Darawalka oo waday mid ka mid ah Gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaano Bii’elka iyo askariga ku sugnaa busteejada Gaadiidka ay ku murmeyn lacago Gaadiidka laga qaado,isla markaana askariga uu dhowr xabadood ku dhuftey Darawalkii.

- Advertisement -

Dilka ka dib waxaa goobta gaarey Ciidamada booliska ee ku sugan Saldhiga degmada Kaaraan,.waxana ay goobta ka qaadeen meydka Darawalka,iyaga oo geeyey Salhdiga booliska,waxana sidoo kale la sheegay in uu goobta ka baxsaday askarigii dilka geystay.

Maamulka degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dilkaas balse nooma suurtagelin.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka dib Darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka Shaqeeya degmada Kaaraan una kala goosha degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay dhigeyn dibadbax ay uga cabanayeen dilka Maanta loo geystay mid ka mid ah darawalada.

Latest stories