HomeCaalamkaSawirro:-Maxkamad Xukuntey Muwaadin Soomaali weerar ka geysan lahaa Aqalka Barlamaanka Britain

Sawirro:-Maxkamad Xukuntey Muwaadin Soomaali weerar ka geysan lahaa Aqalka Barlamaanka Britain

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Khaalid Cali oo 28 jir ah waxaa la soo tagaay Maxkmadda Old Bailey ee magaalladda London, isagoo lagu oogay Fal-dembiyeedyo ay ka mid yihiin inuu Weerar Tooreey ka geysan lahaa meel ku dhow Dhismayaasha  Barlamaanka UK ee Westminster  ee Waqooyiga London iyo inuu horey u ahaa Bam-sameeye ka tirsanaa Ururka Daalibaan ee dalka Afganistan. Eedeysanaha […]

- Advertisement -

Khaalid Cali oo 28 jir ah waxaa la soo tagaay Maxkmadda Old Bailey ee magaalladda London, isagoo lagu oogay Fal-dembiyeedyo ay ka mid yihiin inuu Weerar Tooreey ka geysan lahaa meel ku dhow Dhismayaasha  Barlamaanka UK ee Westminster  ee Waqooyiga London iyo inuu horey u ahaa Bam-sameeye ka tirsanaa Ururka Daalibaan ee dalka Afganistan.

Eedeysanaha oo deggan Edmonton ee Waqooyiga London  waxaa kaloo la sheegay inuu diyaarinayey Weerar Argagixiso oo bishii hore ka dhici lahaa dalka Britain.

- Advertisement -

Eedeysanaha hooyadiis oo u dhalatay dalka Ethiopia ayaa horey Boliska ugu wargelisay Weerarka Tooreyda ee uu Wiilkeeda la maaganaa Barlamaanka UK, wxaayna Boliska qabteen isla xilligaasi, isagoo ku hubeynaa 2 Tooreey oo midiiba dhererkeeda ahaa 3.5 inch.

Eedeysane Khaalid Cali waxa uu  ka mid yahay 7 carruur oo Aabahiooda Soomaali yahay, halka hooyadiisana Ethiopian, kuwaasi oo ku dhashay dalka Sacuudiga, waxayna qaxooti ahaan ku soo galeen dalka Britain  sannadkii 1992-kii.

Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI waxay horey u sheegeen inuu Eedeysanuhu yahay Sarkaal Sare oo Ururka Daalibaan ugu qaabilsanaa Samaynta Qaraxyadda.

- Advertisement -

Khubarada Maraykanka ee baara Faraha waxay caddeeyeen in Eedeysanaha farahiisa ka heleen 37 Miinooyinka dhulka lagu aaso ee I.E.D gudaha dalka Afganistan, ka hor inta uusan Ninkaasi ka soo dhoofin dalka Afganistan.

Bishii October ee sannadkii 2016-kii, Eedeysanaha waxa uu isku dhiibay Qunsuliyadda Britain ee maagaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga, isago osheegay inuu ahaa Dalxiise, kana lumay Baasaboorkiisa.

Markii uu ku laabtay London waxaa gacanta ku dhigay Ciiddanka La-dagaalanka Argagixisadda ee joogta Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow, waxayna si idaayeen bishii November ee isla sannadkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London waxay Eedeysane Khaalid Cali shalay ku xukuntay xabsi 40-sanno ah.

Latest stories