HomeCaalamka(SAWIRO): Muwaadiniin Soomaali oo xashiish u gudbinayey Sacuudiga oo la qabtay.

(SAWIRO): Muwaadiniin Soomaali oo xashiish u gudbinayey Sacuudiga oo la qabtay.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Afhayeenka Ciiddanka Boliska Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Saxar Bin Maxamed Al-xarbi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Xashiishkii ugu badnaa oo bishan laga soo gudbin lahaa Goballadda Koonfureed ee dalkaasi. Waxa uu intaasi ku daray in ay qabteen 40 Eedeysanayaal, kuwaasi oo doonayey inay si qarsoodi ah 646 Kiilogaran oo Xashiish iyo Daroogo kale […]

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Boliska Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Saxar Bin Maxamed Al-xarbi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Xashiishkii ugu badnaa oo bishan laga soo gudbin lahaa Goballadda Koonfureed ee dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ay qabteen 40 Eedeysanayaal, kuwaasi oo doonayey inay si qarsoodi ah 646 Kiilogaran oo Xashiish iyo Daroogo kale ka soo gudbiyaan Dhulka Buuraleyda ee Xuduudka Sacuudiga la wadaago dalka Yemen.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Boliska Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Saxar Bin Maxamed Al-xarbi waxa uu tilmaamay in Eedeysanayaasha lagu qabtay Maan-dooriyayaashaasi kala yihiin:  23 Ethiopian, 2 Soomaali ah ,9 Yemeniyiin ah, 4 Sacuudiyiin ah iyo 2 aan la sheegin Dhalashadooda.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in loo gudbinayo Maxkamadda, si loogu qaado Tallaabo Sharci ah oo ku aadan Fal-dembiyeedka lagu helay, iyadoo dalka Sacuudiga mamnuuc ka yahay nooc kasta oo Maan-dooriye ah.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories