HomeCaalamkaDowladda Eritrea oo magacowday Danjirihii ugu horreeyey ee u fadhin doona Ethiopia.

Dowladda Eritrea oo magacowday Danjirihii ugu horreeyey ee u fadhin doona Ethiopia.

Date:

Related stories

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Danjiraha cusub ee la magacaabay uu yahay Ambassador Semere Russom, oo haatan haya xilka Wasiirka Waxbarashadda Eriteria, horeyna u ahaa Safiirkii Eritrea u joogay dalka Maraykanka. Magacaabistan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladda Ethiopia khamiistii la soo dhaafay magacowday  Danjirahoodii ugu […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Danjiraha cusub ee la magacaabay uu yahay Ambassador Semere Russom, oo haatan haya xilka Wasiirka Waxbarashadda Eriteria, horeyna u ahaa Safiirkii Eritrea u joogay dalka Maraykanka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladda Ethiopia khamiistii la soo dhaafay magacowday  Danjirahoodii ugu horreeyey ee u fadhin lahaa dalka Eritrea 20-kii sanno ee la so odhafaay.

- Advertisement -

Danjiraha cusub ee Ethiopia waxaa loo magacaabay Ambassador Redwaan  Xuseen oo horey u ahaa Danjirihii Ethioopia u joogay dalka Ireland.

Tan iyo markii ay Hoggaamiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea heshiiska kala saxiixdeen bishan July 7-dii waxaa sii kordhaya Niyadsamida dib loogu soo celinayo xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa tan iyo sannadkii 1998-dii.

- Advertisement -

Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopia ee Ethiopian Airlines waxay Arbacadii la soo dhafay bilowday Duullimaadkii ugu horreeyey oo ay ku tagto caasimadda dalka Eritrea ee Asmara muddo 20-sanno kadib.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories