HomeMaqalDhageyso:-Somaliland oo Warka soo saartey kulankii Madaxweyne Farmaajo & Feysal Cali Waraabe

Dhageyso:-Somaliland oo Warka soo saartey kulankii Madaxweyne Farmaajo & Feysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Intii lagu guda jirey Shirkii ka socday Magalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa waxaa kulan wada qaatey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng Feysal Cali Waraabe. Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliland ayaa kulankaas dhaliilay,iyaga oo sheegay in uu ahaa mid sharcidarro ah,isla markaana aan u dhameyn Madaxda Soomaliand. Xildhibaan Siciid Cartan  oo […]

- Advertisement -

Intii lagu guda jirey Shirkii ka socday Magalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa waxaa kulan wada qaatey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng Feysal Cali Waraabe.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliland ayaa kulankaas dhaliilay,iyaga oo sheegay in uu ahaa mid sharcidarro ah,isla markaana aan u dhameyn Madaxda Soomaliand.

- Advertisement -

Xildhibaan Siciid Cartan  oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa sheegay in Xukumaddii Madaxweyne Siilaanyo ay horey u soo saartay qodob mamnuucayey in aan laga qeyb galin kulamada madaxda Soomaalida,isla markaana aanan lala kulmi Karin.

Waxa uu sheegay in qodobkaas kaliya u shaacinayey in Madaxda xilligaas Soomaaliland maamuleysa kaliya ay kulamada ka qeyb geli karaan,laakin feysal Cali Waraabe aysan jirin cid uu ku metelayey shirkii Brussels.

Madaxda Sare ee Soomaaliland ayuu ugu baaqay in ay jawaab ka bixiyaan kulankii Feysal Cali Waraabe ee uu la qaatey madaxweyne Farmaajo iyo tegitaankii shirkii Magalada Brussels.

- Advertisement -

Kulankii dhexmarey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng Feysal Cali Waraabe ayaa intiisa badan waxa ay uga hadleen xiisada deegaanka tukaraq oo ay Ciidamadooda isku-horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Latest stories