HomeCiyaarahaGarsoorayaal Soomaali ah oo loo xulay dhexdhexaadinta Tartan culus oo ka tirsan...

Garsoorayaal Soomaali ah oo loo xulay dhexdhexaadinta Tartan culus oo ka tirsan Koobka Afrika

Date:

Related stories

Sababta Arsenal iyo Manchester City looga saaray Wembley

Arsenal iyo Manchester City ayaa Community Shield-ka 2026 ku ciyaaraya Cardiff halkii Wembley, iyadoo la shaaciyay sababta kulanka looga wareejiyay garoonka caanka ah ee London.

Garsoore Cumar Cartan oo taariikh ka sameynaya UEFA Super Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa maanta garsooraya UEFA Super Cup-ka u dhexeeya Paris Saint-Germain iyo Aston Villa,

Japan Oo Rajo Cusub U Abuurtay Dadka somalida Ilkaha Waayay si loogu abuuro ilko cusub

Cilmi-baarayaal Japan ah ayaa bilaabay tijaabooyin bini'aadam oo ku saabsan daawo loogu talagalay in dadka ka caawiso inay si dabiici ah u koraan ilko cusub,

Atlético Madrid oo isha ku haysa Jack Grealish

Atlético Madrid ayaa danaynaysa Jack Grealish, iyadoo mustaqbalkiisa Manchester City uu mugdi ku yahay.

Xiriirka K/cagta qaraadda Afrika ee “The Confederation of African Football (CAF)” waxay u magacaabeen Garsoorayaal Soomaali ah inay dhexdhexaadiyaan  ciyaarta Kooxaha K/cagta ee Gormahia oo ka socota Kenya iyo Yanga SC oo ka socota dalka Tanzania. Ciyaartaasi oo ka tirsan Qeybta Group D ayaa waxaa la filayaa inay 7-da Fiidnimo ee  habeen dambe ka dhacdo […]

- Advertisement -

Xiriirka K/cagta qaraadda Afrika ee “The Confederation of African Football (CAF)” waxay u magacaabeen Garsoorayaal Soomaali ah inay dhexdhexaadiyaan  ciyaarta Kooxaha K/cagta ee Gormahia oo ka socota Kenya iyo Yanga SC oo ka socota dalka Tanzania.

Ciyaartaasi oo ka tirsan Qeybta Group D ayaa waxaa la filayaa inay 7-da Fiidnimo ee  habeen dambe ka dhacdo Garoonka Moi International Sports Centre ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Hadalka ka soo baxay Xiriirka K/cagta ee CAF ayaa lagu sheegay in Garsoorayaasha Soomaalida ee loo xulay Garsoorka Ciyaartaasi inay kala yihiin:

Maxamed Xaaji oo ah Garsoorka 1-aad, halka Calan-wadaha 1-aad iyo 2-aad loo doortay Xamsa Xaaji Cabdi iyo Suleymaan Bashiir Sheekh Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxa Tartankaasi waxaa noqonaya Garsoore  u dhashay dalka Koonfurta Afrika oo lagu magacaabo Simphiwe Brian Xaba, halka Garsoore  Jean Olivier Mbera oo u dhashay dalka Gabon uu noqonayo Qiimeeyaha Garsoorka  ee Ciyaartaasi.

- Advertisement -

Xigasho: goal.com

Latest stories