HomeWararDAAWO:-Kaamiro ogaanaysa Farxada qofka iyo Murugada oo la soo saaray

DAAWO:-Kaamiro ogaanaysa Farxada qofka iyo Murugada oo la soo saaray

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Qalabka wajiga lagu aqoonsan karo ayaa aad usoo kordhaya, waxaana sare u kacaya isticmaalka kala duwan ee qalabkan, waxaana hadda lasoo saaray kaamirooyin garan kara in uu qofka faraxsanyahay iyo in uu yahay qof murugsan oo halis kasoo fool leedahay. Balse waxaa jira walwal durba laga qabo in ay wax u dhinto xogta shaqsiga ah […]

- Advertisement -

Qalabka wajiga lagu aqoonsan karo ayaa aad usoo kordhaya, waxaana sare u kacaya isticmaalka kala duwan ee qalabkan, waxaana hadda lasoo saaray kaamirooyin garan kara in uu qofka faraxsanyahay iyo in uu yahay qof murugsan oo halis kasoo fool leedahay.

Balse waxaa jira walwal durba laga qabo in ay wax u dhinto xogta shaqsiga ah iyo xoriyadaha dadka ee dhawran hadda.

- Advertisement -

Tan iyo intii lasoo hindisay qalabka ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah waxaa jiray horumar baaxad leh oo laga sameeyay waxyaabaha ay qaban karaan qalabkan.

Waxyaabaha kale ee ay sahlayaan waxaa ka mid ah in kala aqoonsadaan dadka xudduudaha dalalka ka talaabaya, in lagu furto laguna xirto taleefoonada caaqilka ah, in lagu garto dambiilayaasha, iyo sidoo kale in lagu isticmaalo adeegyada bangiyada.

Shirkadda Affectiva oo hawshan ka dambeysa ayaa sheegtay in ay duubtay shucuurta kala duwan ee dad dhawr ah oo ogolaansho laga heley, kadibna la baray qalabka shucuurtaas, waxaana markii dambe la sameeyay tijaabo ah in dad kale lagu tijaabiyo.

- Advertisement -

Xaaladaha muranka dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah in shirkadaha soo saara qalabkan ay kasii iibinayaan laamaha ammaanka, kuwaas oo u isticmaalaya sababo la xiriira baaritaanada iyo amniga, waxaana loo arkaa mid loogu xad gudbayo xuquuqda dadka.

Waxaa kale oo jirta walwal laga qabo in kaamirooyinka ay soo bandhigi doonaan dareenka rasmiga ah ee qofka, lana qiyaasi karo waxa niyadiisa ku jira, waxaana la isweeydiinayaa waxa dhacaya haddii ay qaldaan saadaasha.

Markii dad badan ay kasoo qeybgalayeen xaflad uu qabtay raadiyaha BBC Radio 1 bishii May, ma aysan ka warhaynin in booliiska South Wales ay wajiyada dadkaas ku dheehanayeen kaamirooyinka basaaska ah, kuwaas oo wajiyada dadka lagu kala eegayay.

Waxaa dhacday in kaamirooyinka ay dadka ka dhex aqoonsadaan nin uu ka yaalay waaran xarig, waxaana lagu xiray muddo 10 daqiiqo gudahood ah.

Dadka ku nool magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa dacwad ka gudbiyay booliiska, waxayna sheegeen in qalabka basaasnimada uu ku xad gudbayo xuquuqdooda iyo xoriyadaha.

Hase yeeshee Patrick Grother oo ka tirsan mac-hadka Tayo-dhawrka qaran iyo tiknoolajiyadda ee Maraykanka ayaa waxa uu sheegayaa in qalabka uu yahay mid aad la’isugu haleyn karo.

“Habka xisaabaadka ee kumbuyuutaraadka ku jira ayaa u ogolaanaya in ay kala gartaan xaglaha kala duwan ee wajiga iyo fariimaha ku duugan” ayuu yiri Patrick.

“Xitaa haddii uu qofka ookiyaal xiranyahay waad garan kartaa dareenkiisa, inta la qaldami karo aad ayay u yartahay” ayuu intaas ku daray.

Xigasho BBC

Latest stories