HomeWareysiyadaDhageyso:-Taliska Booliska Afgooye oo shaaciyey sababtii Al-Shabaab u dileen korneel Guudle

Dhageyso:-Taliska Booliska Afgooye oo shaaciyey sababtii Al-Shabaab u dileen korneel Guudle

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Dhalashadii Rajada, Sidee lagu aasaasay difaaca qaranka 66 sano ka hor?

Maanta oo ay ku beegantahay 12-ka April, waxaan dib u jalleecaynaa jidkii dheeraa ee uu soo maray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed muddo 66 sano ah.

Waa maxay horumarka dhabta ah ee ka socda Xero Fiyaamo

Xero Fiyaamo waxay hadda u muuqataa mid weji cusub yeelatay ka dib markii lagu sameeyay dib-u-habayn ballaaran oo taabatay kaabayaasha, nidaamka tababarka, iyo daryeelka askarta. Ma ahan kaliya dhismayaal cusub, balse waa qorshe casri ah oo lagu dhisayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka si ay ugu diyaar-garoobaan difaaca qaranka iyo la dagaallanka khataraha amniga. Akhriso faahfaahinta ku saabsan isbeddellada dhanka teknoolajiyadda iyo tababarrada gaarka ah ee xeradan ka dhigay xarun casri ah oo dunida lala barbar dhigi karo.

Shalay subaxdii hore ayaa dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab waxa ay weerar jidgal ah ku dileyn Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliya basle ay Al-Shabaab sheegeen in uu ahaa kusimaha taliyaha Nabadsugida Degmada Afgooye. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Guudle Maxamed Nuur,waxana taliska booliska Afgooye ay sheegeen in xilliga la […]

- Advertisement -

Shalay subaxdii hore ayaa dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab waxa ay weerar jidgal ah ku dileyn Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliya basle ay Al-Shabaab sheegeen in uu ahaa kusimaha taliyaha Nabadsugida Degmada Afgooye.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Guudle Maxamed Nuur,waxana taliska booliska Afgooye ay sheegeen in xilliga la dilayey uu ku wajahnaa Ceel Biyood uu lahaa.

- Advertisement -

Taliyaha Saldhiga Booliska Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Sarkaalka Al-Shabaab ay u dileyn lacago baad ah oo ay ka rabeen Ceelkiisa uu diiday,sidaasna ay ku dileyn sida uu hadalka u dhigay.

Hayeeshee gaarigiissi ay sidoo kale qaateen balse aan looga hari doonin dhawaana ay ka daba tegi doonaan,haatana uu socdo qorsho lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarka lagu dilay  Guudle Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhiga Booliska Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal.

Latest stories