HomeWareysiyadaDhageyso:-Jubbland oo Gacanta ku dhigtay Wiil Aabihiis Qoorta ka jarey

Dhageyso:-Jubbland oo Gacanta ku dhigtay Wiil Aabihiis Qoorta ka jarey

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa deegaanka Buulo Gaduud ee Jubbada Hoose Wiil Dhalinyaro ah uu ku diley Aabihiis,isaga oo dilkiisa u adeegsaday Baangad oo uu qoorta kaga jarey. Deegaanka Buulo Gaduud oo 30km u jira Magaalada Kismaayo oo ah halka falkaasi uu ka dhacay ayaa waxaa gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland,kuwaas oo […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa deegaanka Buulo Gaduud ee Jubbada Hoose Wiil Dhalinyaro ah uu ku diley Aabihiis,isaga oo dilkiisa u adeegsaday Baangad oo uu qoorta kaga jarey.

Deegaanka Buulo Gaduud oo 30km u jira Magaalada Kismaayo oo ah halka falkaasi uu ka dhacay ayaa waxaa gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland,kuwaas oo durba gacanta ku dhigey wiilkii Aabihiis qoorta ka jarey.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Aadan Axmed oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dhacdadaas markii lagu soo wargeliyey ay tageen Goobtii uu falka ka dhacay,isla markaana ay gacanta ku dhigeyn Wiilkii Aabihiis dilay xilli uu doonayey in uu baxsado.

Waxa aan weeydiiney waxa kalifay in uu Wiilkaas Aabihiis dilo,ayuu sheegay in arrintaasi ay haatan baaritaan ku hayaan,isla markaana wixii ka soo baxa ay Radio Dalsan lasoo wadaagi doonaan.

Taliyaha faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin dhacdadaas,balse uu sheegay in iminka ay Gacanta ku hayaan Wiilkii dilka geystay Cadaaaladana lahor-keeni doono.

- Advertisement -

Dhcdooyinka la xiriira qoor-goynta ayaa bilihii u dambeysay kusoo batay dalka,waxana shalay xaafada Kaawa-Godey qeybta degmada Dharkenley Nin uu qoorta ka jarey Walaalkiis.

Hoos Ka dhageyso Wareysiga Taliyaha Booliska Magalada Kismaayo.

Latest stories