HomeWararDowladda Turkiga oo cambaareysay Qaraxyadii ka dhacay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyadda

Dowladda Turkiga oo cambaareysay Qaraxyadii ka dhacay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyadda

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi waxay soo saartay Hadal-qoraal oo ay ku cambaaraysay weerarkii iyo qaraxyaddii ay Alshabaab shalay ka geysteen magaalladad Muqdisho. Qoraalka waxaa lagu xusay inay Dowladda Turkiga si xooggan u cambaaraynayso Qaraxyadaasi oo ay sheegtay in lagu soo beegay Shirweynaha looga hadlayo Somalia ee bishan July 16-da ilaa 17-da ka dhici doona […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi waxay soo saartay Hadal-qoraal oo ay ku cambaaraysay weerarkii iyo qaraxyaddii ay Alshabaab shalay ka geysteen magaalladad Muqdisho.

Qoraalka waxaa lagu xusay inay Dowladda Turkiga si xooggan u cambaaraynayso Qaraxyadaasi oo ay sheegtay in lagu soo beegay Shirweynaha looga hadlayo Somalia ee bishan July 16-da ilaa 17-da ka dhici doona Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

- Advertisement -

Qoraalka Turkiga waxaa kaloo lagu xusay in Weeraradda Alshabaab looga dan leeyahay in lagu burburiyo dadaalka ay DFS iyo Beesha Caalamka ugu jiraan Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga  waxay sheegtay inay Dowladda Turkiga si iwadi doonto Taageeradda Buuxda ee ay siiyaan Somalia, si loo gaaro Nabadda iyo Horumarinta somalia.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weeraradii iyo qaraxyaddii shalay ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyadda, waana weerarkaasi ku soo beegmay kii ay Alshabaab Sabtidii hore ku qaadeen Xarunta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ku taaalla Dhismaha Otto Otto ee Isgoyska Sayidka ee magaalladdan Muqdisho.

Latest stories