HomeWararDowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Qaraxyadii Shalay ka Dhacay Agagaarka...

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Qaraxyadii Shalay ka Dhacay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarka ay maanta soo qaaday kooxda argagixisada al-shabaab. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-shabaab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii maanta argagixisnimada si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka, ayaa sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarka ay maanta soo qaaday kooxda argagixisada al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-shabaab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii maanta argagixisnimada si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

- Advertisement -

Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo qaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan.

“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxanlaawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

- Advertisement -

Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisada oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana si xoog leh loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts