HomeWareysiyadaDhageyso:-Dad u dhintey Qashinka Shirkadaha Nadaafada ku daadiyaan deegaanka Gubadley

Dhageyso:-Dad u dhintey Qashinka Shirkadaha Nadaafada ku daadiyaan deegaanka Gubadley

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Dadka deegaanka gubadley ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cabanayaan  cuduro ka dhashay qashin farabadan oo shirkadaha Nadaafada ay ka qaadaan Muqdisho,isla markaana ay geeyaan deegaankaas.

Bulshada ku nool deegaanka gubadley ayaawaxa ay sheegeen in caqabad ugu weyn ee deegaanka ka taagan ay tahay cuduro ka dhashay qashinkaas,isla markaana ay dad u geeriyoodeen cuduradaas kuwo kalena ay la jiifaan.

- Advertisement -

Sheekh Xuseen Jeelle oo ka mid ah dadka  deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in Cuduradaas ay u geeriyoodaeen Sideed Ruux 15 kalena ay la jiifaan,cuduradaas oo sabab u noqday nadaafad darro ka dhalatay qashinka deegaankaas ay geeyaan Gawaarida qashinka ka qaada Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Maalin walba cabasho ay u gudbiyaan dowaldda Hoose ee Xamar,isla markaana warkooda aan laga soo jawaabin cabashadooda.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Gubadley Nuur Cadow Jimcaale oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa sheegay in arrntaan ay gaarsiiyeen dowladda Hoose ee Muqdisho,Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka.

- Advertisement -

Saddex bil ka hor ayay bilaabatay in qashinka shirkadaha Nafaafada geeyaan deegaanka Gubadley,ka dib markii la diiday in la geeyo deegaanka Jaziira oo markii hore la geyn jiray.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Qof ka mid ah dadka deegaanka Gubadley iyo guddoomiyaha deegaankaas.

Sheekh Xuseen Jeelle ooka mid ah dadka deegaanka Gubadley

Guddoomiyaha deegaankaas Nuur Cadow Jimcaale  

Latest stories