HomeCaalamkaMareykanka oo Safiir Cusub u soo magacaabay Somalia

Mareykanka oo Safiir Cusub u soo magacaabay Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu u soo magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto inuu noqdo Safiirka Cusub ee u joogi doona Somalia. Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo 65-jir waxa uu Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii waxa uu haatan Madax ka yahay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika. Ambassador Donald […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu u soo magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto inuu noqdo Safiirka Cusub ee u joogi doona Somalia.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo 65-jir waxa uu Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii waxa uu haatan Madax ka yahay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia Waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.

Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire Ku-meel-gaar ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii.

- Advertisement -

Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa timid, iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.

Ambassador Stephen Michael Schwartz waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii June ee sannadkii 2016-kii, wuxuuna ahaa Danjirihii ugu horreeyey ee Maraykanka u soo magacaabaan Somalia 25 sanno kadib, burburkii Dowladnimo ee Somalia.

Latest stories