HomeCaalamkaMaraykanka oo ugu baaqay dalalka Khaliijka inay joojiyaan Faragelinta Somalia.

Maraykanka oo ugu baaqay dalalka Khaliijka inay joojiyaan Faragelinta Somalia.

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ka hawl-gala Qaaradda Afrika ee (AFRICOM),  General Thomas Waldhauser waxa uu soo saaray Hadal-qoraal oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia iyo Ammaanka Geeska Afrika. Waxa uu tilmamaay inay ka walaacsan yihiin Faragelinta ay Dowladda Khaliijka ee Is-khilaafsan ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia. J eneralka oo haatan socdaal ku […]

- Advertisement -

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ka hawl-gala Qaaradda Afrika ee (AFRICOM),  General Thomas Waldhauser waxa uu soo saaray Hadal-qoraal oo uu kaga hadlay Arrimaha Somalia iyo Ammaanka Geeska Afrika.

Waxa uu tilmamaay inay ka walaacsan yihiin Faragelinta ay Dowladda Khaliijka ee Is-khilaafsan ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia.

- Advertisement -

J

eneralka oo haatan socdaal ku jooga dalal ka tirsan Geeska Afrika waxa uu ku eedeeyey Dowlado uusan magacaabin oo ka tirsan dalalka Khaliijka inay sii hurinayaan Deganaanshaho La’aanta ka jirta gudaha Somalia oo horeyba ay uga jireen dagaallo iyo Deganaansho La’aan.

“Kala-duwanaansha iyoiska horimaadka u dhexeeya dalalkaasi Carbeed waxa u uka socdaa meel ka baxsan Somalia, waxaana ugu baaqayaa Dhexdhexaadnimadooda” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM), General Thomas Waldhauser.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxa uu Madaxa ugu sarreeya Askarta Maraykanka ka joogta Qaaradda Afrika waxa uu ka hadlay Taageeradda ay DFS ka siiyaan Dib-u-dhiska Ciiddanka Dowladda iyo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Waxa uu General Thomas Waldhauser mar kale xaqiijiyey inay diyaar u yihiin inay sii wadaan Taageeradda Somalia muddo dheer, taasi oo uu tilmaamay inay sii socon doonto inta ay DFS doonayso inay oggolaadaan Taageeradda Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka waxay DFS ka taageertaa dhinacyadda Dhaqaalaha, Milliteriga iyo Dib-u-dhiska Hay’adda Ammaanka, iyadoo ay boqolaal Askar Maraykan ah saldhigyo ku leeyihiin Garoonka Balli-doogle iyo kan magaalladda Kismaayo, kuwaasi oo qeyb ka ah La-dagaalanka Alshabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories