HomeCaalamkaMagangelyo-doon laga soo tarxiilay dalka Jarmalka oo is-daldalay.

Magangelyo-doon laga soo tarxiilay dalka Jarmalka oo is-daldalay.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Nin u dhashay dalka Afganistan oo 23-jir ah ayaa la sheegay inuu isku daldalay Xarun dadka la soo masaafuriyo lagu hayo oo ku taalla  caasimadda dalkaasi ee Kabul, kadib, markii Ninkaasi dhawaan laga soo tarxiilay Jarmalka. Ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Jamaal Naasir Maxamuudi waxa uu ka mid ahaa ku-dhawaad 70 dhallinyaro Afgaanistan oo ay […]

- Advertisement -

Nin u dhashay dalka Afganistan oo 23-jir ah ayaa la sheegay inuu isku daldalay Xarun dadka la soo masaafuriyo lagu hayo oo ku taalla  caasimadda dalkaasi ee Kabul, kadib, markii Ninkaasi dhawaan laga soo tarxiilay Jarmalka.

Ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Jamaal Naasir Maxamuudi waxa uu ka mid ahaa ku-dhawaad 70 dhallinyaro Afgaanistan oo ay Dowladda Jarmalka u diiday Magangelyo, kuwaasi oo dib loogu celiyey dalkooda hooyo.

- Advertisement -

Marxuumka is-dilay waxa uu muddo 8 sanno ah ku noolaa dalka Jarmalka oo uu Qaxooti ahaan iskugu dhiibay. Balse la diiday in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.

Marxuumka oo is-dilay maalintii Talaadada ee la soo dhaafay waxaa bishan July 4-dii laga soo masaafuriyey Jarmalka, sida ay sheegeen Hay’addaha Ammaanka ee Afganistan.

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka waxay xaqiijiyeen inay Dowladda Afganistan ka heleen War ku aadan in maydka mid ka mid ah Rakaabkii la socday Diyaaradii dib u soo celisay Qaxootiga Afgaanistan laga helay Hoteelkii uu ka deganaa magaalladda Kaabul.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jarmalka, Horst Seehofer waxa uu u muuqday in hadal kaftan u maleeyey markii Talaadadii la soo dhafaay loo sheegay in mid ka mid ah 69-kii Qaxooti ee lagu celiyey Afganistan uu is-dilay.

Wasiirka oo Talaadadii la soo dhaafay u dabaaldegay 69-guuradii ka soo wareegtay Dhalashadiisa waxa uu hadalkaasi u qaatay hadal Haddiyad oo kale loogu soo beegay Dhaashadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Kumanaan Qaxooti Reer Afganistan ah ayaa laga masaafuriyey dalka Jarmalka, kuwaasi oo dib loogu celiyey dalkooda hooyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories