HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu soo Laabtay

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu soo Laabtay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay Dalalka jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda […]

- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay Dalalka jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah, waxaana sidoo kale uu ka qeyb galay furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Latest stories