HomeCaalamkaSawirro:-Galmudug iyo QM oo ka wada hadlay dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka...

Sawirro:-Galmudug iyo QM oo ka wada hadlay dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa uu kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen  Dagaalada kasoo cusboonaaday Bariga Gobolka Mudug oo u dhaxeya Al-Shabaab iyo dad Shacab ah,kuwas […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa uu kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen  Dagaalada kasoo cusboonaaday Bariga Gobolka Mudug oo u dhaxeya Al-Shabaab iyo dad Shacab ah,kuwas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu u gurmaday Dadka Shacabka ah ee dhibaatada lagu hayo hadana ay diyaar u yihiin in ay Dagaal toos ah la galaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan shacabka degga Deegaanada Bariga Gobolka Mudug si looga guuleystana ay u baahan yihiin caawimaad si ay Al-Shabaab uga saaraan deegaanada ay ka maamulaan Galmudug.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii xal waara looga gaari alhaa khilaafka yar ee soo kala dhex galay Madaxda Galmudug,iyo in laga wada Shaqeeyo horumarinta deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in Maamulkiisu diyaar u yahay In uu xaliyo cid walba oo cabasha qabta,islamarkaana ugu baaqay in cidii cabasha qabta timaado Caasimada Maamulka si loo xaliyo Cabashadaas.

- Advertisement -

Latest stories