HomeCaalamkaQM iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Taageeridda Ammaanka Somalia

QM iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Taageeridda Ammaanka Somalia

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaan waxa uu Kulan Khaas ah la qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating, sida ay baahisay Wakaallada Wararka u faafisa  Imaaraadka ee WAM. Labada Mas’uul oo ku kulmay Dhismaha Safaraadda Imaaraadka ee Muqdisho waxay ka wada xaajoodeen Xiriirka u dheexeeya […]

- Advertisement -

Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaan waxa uu Kulan Khaas ah la qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating, sida ay baahisay Wakaallada Wararka u faafisa  Imaaraadka ee WAM.

Labada Mas’uul oo ku kulmay Dhismaha Safaraadda Imaaraadka ee Muqdisho waxay ka wada xaajoodeen Xiriirka u dheexeeya Imaaraadka iyo Xafiiska QM ugu qaabilsan Somalia ee UNSOM iyo qaabka ay labada dhinac uga wada shaqeyn karaam Taageerida Ammaanka, Deganaanshaha iyo Horumarinta dalka Somalia.

- Advertisement -

Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaan iyo Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxay kaloo Kulankooda ku lafa-gureen Xaalladad somalia iyo dadaalka Imaaraadka iyo QM ka geystaan Taageeridda DFS iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxay kaloo sheegtay inuu Michael Keating ku booriyey Dowladda Imaaaraadka  inay sii wadaan Taageeradda ay Somalia ka siiyaan dhinacyadda Samafalka Aadminimo, Gargaarka iyo Horumarinta.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmay maalmo kadib, markii ay Barlamaanka Midowga Europe soo saareen Qaraar ay ku cambaareynayaan Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga inay faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee Somalia.

- Advertisement -

Tan iyo markii uu dillaacay Khilaafka Khaliija sannadkii hore, waxay Dowladaha Imaaaraadka iyo Sacuudiga hakiyeen Taageeradii Maaliyadeed iyo Farsamo ay siin jireen Hay’addaha DFS, kadib, markii ay DFS sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafkaasi, wallow DFS loo xagliyo inay taageerto Dowladda Qatar oo qeyb ka ah Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.

Latest stories