HomeCaalamka(La-yaabka): Nin Xaasle oo guursaday gabar 11-jir ah oo la ganaaxay

(La-yaabka): Nin Xaasle oo guursaday gabar 11-jir ah oo la ganaaxay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Nin u dhashay dalka Malaysia ayaa la soo tagaay Maxkamada Shareecadda Islaamka, kadib, markii lagu soo oogay inuu gabar 11-jir ah guursaday. Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Shi C/kariim Shi C/xaamid waxa uu qirtay inuu guursaday gabadhaasi yar oo u dhalatay dalka Thailand. Maxkamaddu waxay Kiiskaasi u cuskatay qoddobadda 19 iyo 124 ee Sharciga Qoyska […]

- Advertisement -

Nin u dhashay dalka Malaysia ayaa la soo tagaay Maxkamada Shareecadda Islaamka, kadib, markii lagu soo oogay inuu gabar 11-jir ah guursaday.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Shi C/kariim Shi C/xaamid waxa uu qirtay inuu guursaday gabadhaasi yar oo u dhalatay dalka Thailand.

- Advertisement -

Maxkamaddu waxay Kiiskaasi u cuskatay qoddobadda 19 iyo 124 ee Sharciga Qoyska Islaamka Malaysia.

Garsoore Maxamed Sorbiyaani Xuseen waxa uu  Ninkii la soo eedeeyey lagu xukumay xabsi 6 bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 1,500 00 Giniga Malaysia, una dhiganta 450 Dollarka Maraykanka.

Wargeyska Harian Metro oo ka soo baxa dalka Malaysia oo aan dhacdadan ka soo xiganay waxa uu qoray in Ninka guursaday gabadha yar uu ahaa 2 Xaasle aabe u ah 6 carruur ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Gabadhaasi bishii hore ee June ku guursaday Masjid ku yaalla Koonfurta dalka Thailand oo ay ku nool yihiin Mujtamac Muslimiin looga tiro badan yahay dalkaasi.

Kiiskan waxaa la furay, kadib, markii ay Xaaska labaad ee Ninkaasi dacwad isaga ka dhan ah u gudbisay Maxkamadda. Balse, ninkeeda waxa uu  sheegay inuu Guurkaasi sax yahay, maadaama ay gabadha Waalidkeeda isugu barakeeyeen.

Wareysi uu siiyey Telefishin waxa uu ku sheegay inuu codsan doono Shahaadada Guurka caadiga, marka ay Xaaskiisa da’da yar gaarto 16-jir.

Baarayaasha Boliska Malaysia waxay sheegeen inay gabadha hooyadeeda codsatay inuusan guurka dhamaystir noqon karin ilaa ay gabadha ka gaarayso 16-jir.

Waxayna ku heshiiyeen inay guriga waalidkeeda sii joogto ilaa ay da’deda ka buuxsamayso 16-jir.

Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha Malaysia, Wan Azizah Wan Ismail waxay sheegtay inay baarayaan haddii ay gabahdha Waalidkeeda u fasaxeen Ninkaasi inuu guursan karo gabadha yar, sababo la xiriira xaalladda dhaqaale ee qoyskaasi oo aad u liidato.

Qareen u dhashay Malaysia oo lagu magacaabo Syahredzan Johan waxa uu soo Tweet-gareeyey in Guurka ilmaha yar waajib tahay inuu Dembi noqdo.

Dalka Malaysia, gabdhaha Muslimiinta ee da’dooda ka hooseyso 16-jir ah waxa uu ansax noqon karaa marka ay Waalidkooda oggolaadaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories