HomeCaalamkaXoghayaha Guud ee QM iyo Ra’isul-wasaraaha Ethiopia oo Kulan ka yeeshay Xaalladda...

Xoghayaha Guud ee QM iyo Ra’isul-wasaraaha Ethiopia oo Kulan ka yeeshay Xaalladda Somalia iyo Heshiiskii Eritrea

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo shalay booqasho ku tegay dalka Ethiopia, waxa u uxalay Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali oo ay ka wada hadleen Xaalladaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Horumaradii ugu dambeeyey ee Heshiiskii ay Ethiopia iyo Eritrea ka gaareen colaadihii u dhexeeyey. Antonio Guterres waxa uu soo dhaweeyey Heshiiskii […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo shalay booqasho ku tegay dalka Ethiopia, waxa u uxalay Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali oo ay ka wada hadleen Xaalladaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Horumaradii ugu dambeeyey ee Heshiiskii ay Ethiopia iyo Eritrea ka gaareen colaadihii u dhexeeyey.

Antonio Guterres waxa uu soo dhaweeyey Heshiiskii Taariikhiga ee ay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Issias Efewerki dhawaan ku kala saxiixdeen magaalladda Asmara, oo dib loogu soo celiyey Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaraaha Isbedel-doonka Ethiopia waxa uu Xoghayaha Guud ee QM ka codsaday inay QM ka qaadaan Dowladda Eritrea cunaqabatayntii lagu soo rogay sannadkii 2009-kii.

Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii December 23-dii ee sannadkii 2009-kii soo saareen Qaraar ku baaqay in Eritrea lagu soo rogo Cunaqabatayn dhanka Hubka ah in Madaxda dalkaasi laga xayiro  Socdaalka iyo in Siyaasiyiin iyo Saraakiil Milliteri oo Eritrean ah laga xayiro inay la baxaan Hantida u taalla Bangiyadda Caalamka.

- Advertisement -

QM waxay ku eedeysaa Dowladda Eritrea inay taageero siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalka kula jira Ciiddamadda DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM, iyado ay Golaha Ammaanka ee QM dib u cusbooneysiiyeen Cunaqabataynta saaran Eritrea bishii November e sannadkii hore.

Dowladda Eritrea waxay beenisay Eedeymahaasi, iyadoo Kooxda Baarayaasha QM ee cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea sheegeen inaysan helin caddaymo muujinaya inay Eritrea taageero siiyaan Alshabaab.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres inta uu joogo Ethiopia waxa uu ka qeyb geli doonaa  Shir-sannadeedka  QM iyo Ururka Midowga Afrika oo dhawaan ka furmi doona magaalladda Addis Abeba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories