HomeWararWasiirka Arrimaha Dibada oo gaaray dalka Shiinaha iyo ujeedka Safarkiisa

Wasiirka Arrimaha Dibada oo gaaray dalka Shiinaha iyo ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Caasimadda dalka Shiinaha ee Magalada Bijin. Ujeedka Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi ay uga qeyb geli doonaan shir  lagu magacaabo Arab States Cooperation Forum (CASCF),kaas oo Maanta ka furmaya magalada Bijin. Shirkaas ayaa waxaa looga […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Caasimadda dalka Shiinaha ee Magalada Bijin.

Ujeedka Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi ay uga qeyb geli doonaan shir  lagu magacaabo Arab States Cooperation Forum (CASCF),kaas oo Maanta ka furmaya magalada Bijin.

- Advertisement -

Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaan xiriirka dowladda Shiinaha kala dhaxeeyo Wadamada Carabta oo ay Soomaaliya ku jirto,waxana ka qeyb geli doona Madaxweynaha shiinaha ee Xi Jinping iyo madax kale.

Shirkaan oo noqonaya midkii 8aad,ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka noqon doona kana qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Dibada ee Wadamada Carabta,waxana sidoo kale uu yahay markii ugu horreysay ee la qabto mudo 14 Sano ah ka hor.

Qodobada ugu muhimsan ee shirkaas lagu falanqeyn doonoo ayaa waxaa ka mid ah wadhasaqeyn wanaagsan oo ku saabsan dhinaca Dhaqaalaha iyo xiriirka dowladda shiinaha iyo Wadamada Carbeed.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa Sanadkaan ka mid noqotay Wadamada lagu casuumay shirkaas oo muhiim u ah Wadamada Carbeed oo ay Soomaaliya ku jirto,waxana la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu khubad ka jeediyo.

Latest stories