HomeCaalamkaShiinaha oo ballan qaaday Dhaqale lagu qalabaynayo Xarunta Dhexe ee Wakaalladda Wararka...

Shiinaha oo ballan qaaday Dhaqale lagu qalabaynayo Xarunta Dhexe ee Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed SONNA

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Somalia, Qiin Jiyaan ayaa ballan-qaaday inay Wakaalladda SONNA ku taageeri doonaan dhaqaale dhan 22,600 oo Dollar, si loogu casriyeeyo Hawlgalladda Xafiika Dhexe ee SONNA ee magaalladda Muqdisho. Danjiraha oo Wareysi siiyey Wakaalladda Wararka dalka Shiinaha ee XINHUA waxa uu tilmaamay inay deeqdaasi qeyb ka tahay Taageeradda ay Dowladda Shiinaha siiyaan Somalia. Waxa […]

- Advertisement -

Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Somalia, Qiin Jiyaan ayaa ballan-qaaday inay Wakaalladda SONNA ku taageeri doonaan dhaqaale dhan 22,600 oo Dollar, si loogu casriyeeyo Hawlgalladda Xafiika Dhexe ee SONNA ee magaalladda Muqdisho.

Danjiraha oo Wareysi siiyey Wakaalladda Wararka dalka Shiinaha ee XINHUA waxa uu tilmaamay inay deeqdaasi qeyb ka tahay Taageeradda ay Dowladda Shiinaha siiyaan Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu ku ammaanay Kaalinta Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka mihiimka ah ee ay ka qaadanayso dhiiri-gelinta Xiriiraadda u dhexeeya Labada Waddan ee Somalia iyo Shiinaha.

“Waxaan hore u fududeynayey Wafdigii Warbaahinta ee ka socday dalkiina quruxda badan ee booqatay Shiinaha sannadkan” ayuu yiri Danjire Qiin Jiyaan, wuxuuna intaasi ku daray inay Dowladda Shiinaha taageerayso dadaalka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Somalia.

Dhinaca kale, Agaasimaha Wakaalladda SONNA, C/llaahi Sheekh C/raxmaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka XINHUA waxa uu sheegay in Taageeradda Maaliyadeed ee Safaaradda Shiinaha lagu soo iibin doono Qalabka Xafiisyadda, sida Kaamerooyinka iyo Kombiyuutarada.

Latest stories