HomeCaalamkaIlhaan Cumar oo beenisay Eedeymo lagu sheegay inay tahay Yuhuud-nacayb

Ilhaan Cumar oo beenisay Eedeymo lagu sheegay inay tahay Yuhuud-nacayb

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ilhaan Cumar oo ah Murashax u taagan Kursiga Kongareeska ee uu banneeyey Xildhibaanka Muslimka ee Keith Ellison waxay gaashaanka u daruurtay eedeymo lagu sheegay inay Twitter-keeda ku qortay sannadkii 2012-kii inay Dowladda Yuhuuda tahay Rejiim Midab-takoor iyo erayo kale oo Yuhuud-nacayb ahaa. Wareysi ay siisay Telefishinka ABC ee laga leeyahay dalka Maraykanka waxay ku sheegtay […]

- Advertisement -

Ilhaan Cumar oo ah Murashax u taagan Kursiga Kongareeska ee uu banneeyey Xildhibaanka Muslimka ee Keith Ellison waxay gaashaanka u daruurtay eedeymo lagu sheegay inay Twitter-keeda ku qortay sannadkii 2012-kii inay Dowladda Yuhuuda tahay Rejiim Midab-takoor iyo erayo kale oo Yuhuud-nacayb ahaa.

Wareysi ay siisay Telefishinka ABC ee laga leeyahay dalka Maraykanka waxay ku sheegtay in ay eedeyntaasi tahay naqdin ka timid Siyaasiyiinta Muxaafididka ah.

- Advertisement -

Waxay Wareysigeeda ku sheegtay inaysan Eedeymahaasi lahayn wax qiimo ah, isla markaana waxay ka gaabsatay inay Raalli-gelin ka bixiso ama ay ka laabato Qoraalkii ay Twitter-keeda soo dhigtay bishii November ee sannadkii 2012-kii ee la sheegay inuu ahaa hadalo Yuhuud-nacayb ah.

Waxay kaloo Twitter-keeda ku sheegtay inay Dowladda Yuhuudda tahay Dowlad Midab-takoor oo dhibaato ku ah Caalamka, kuna dhaqanta Camalka Shaydaanka.

Ilhaan Cumar waxay qoraalkaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka 2 maalin kadib, markii ay Ciiddanka Yuhuudda bilaabeen Hawlgal ka dhan ah dadka Reer Falastiin ee ku nool Marinka Qasa.

- Advertisement -

Yuhuudda waxay xilligaasi sheegeen inay Kooxaha Mukhaawamadda Falastiin ay 100 Hoobiye ku garaaceen deegaano ku yaalla Koonfurta Yuhuudda.

Dhinaca kale, Isbuucyadii la soo dhaafay waxay Ilhaan Cumar heshay Qoraalo Twitter oo iyada lagu naqdinayey, waxayna mar ay u jawaabaysay Qoraal iyada loo soo dirray ku sheegtay inmuujinta inay Dowladda Yuhuudda tahay Dowlad Midab-takar mid ka fog Nacaybka dadka Yuhuudda loo muujiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Ilhaan Cumar waxay ka mid tahay Murashixiinta u tartami doona Kursiga Xisbiga Dimuqraadiga ee Xildhibaanka Keith Ellison oo isagu ah Xildhibaankii ugu horreeyey ee loo doorto Aqalka Kongareeska Maraykanka.

Keith Ellison waxa uu u tartami doonaa xilka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobalak Minnesota, isagoo aan doonaynin in mar kale loo doorto.

Si kastaba ha ahaatee, Ilhaan Cumar waxaa Kursiga Kongareeska kula tartami doona Murashixiin kale oo ay ku jiraan dhowr Haween Muslim ah.

Latest stories