HomeCaalamkaXildhibaan Somali-Kenyan oo loo heysto dilal ka dhacay Garissa

Xildhibaan Somali-Kenyan oo loo heysto dilal ka dhacay Garissa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hoggaamiyayaasha magaalladda Garissa ee W/bari ee Kenya waxay codsadeen in la soo xiro Xildhibaan aysan magacaabin, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey 3 qof oo maalintii Jimcihii lagu dilay Tuulladda Ceel-dheere oo ku taalla xuduudka Garissa iyo magaalladda Isiyoola. Baaqaasi waxaa si wadajir ah u soo jeediyey Senator Yuusuf Xaaji oo laga soo […]

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha magaalladda Garissa ee W/bari ee Kenya waxay codsadeen in la soo xiro Xildhibaan aysan magacaabin, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey 3 qof oo maalintii Jimcihii lagu dilay Tuulladda Ceel-dheere oo ku taalla xuduudka Garissa iyo magaalladda Isiyoola.

Baaqaasi waxaa si wadajir ah u soo jeediyey Senator Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Garissa, Xildhibaan C/kariim Cismaan oo laga soo doorto Faafi, Xildhibaanad Safiya C/nuur oo laga soo doorto Degmadda Ijaara iyo Guddoomiyaha Mandera, Cali Qorane waxay ka codsadeen Hay’addaha Ammaanka Kenya in la soo xiro Xildhibaan ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey dilal iyo dhaawac loo geystay rag Geel-jirayaal ahaa.

- Advertisement -

Senator Yuusuf Xaaji waxa uu sheegay inaan la oggolaan Karin in Maleeshiyo hubeysan ay dad aan waxba galabsanin, u dilaan arrimo lagu xalin karay wada-xaajoodka.

“Ma oggolaan karo inay dadka Sharciga ku qaataan gacmahooda, waana daba-geli doonaan Kiiskan ilaa laga soo xirayo kuwii ka dambeeyey arrintaasi” ayuu yiri Senator Yuusuf Xaaji oo mar Wasiirka Difaaca ka soo noqday dalka Kenya.

Dhinaca kale, Marxuumin lagu dilay weerarkii Jimcihii ka dhacay Tuulladda Ceel-dheer ee duleedka Garissa waxaa lagu kala magacaabi jirey . Buraale Deeqow, Muxumad Faraax iyo Cabdi Deerow, kuwaasi oo Geel-jirayaal ah.

- Advertisement -

Sidoo kale, Weerarkaasi waxaa lagu dhaawacay 3 kale, oo ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Latest stories