HomeCaalamka(SAWIRO): Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray caadiyeynta Xiriirkooda Diplomaasiyadeed

(SAWIRO): Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray caadiyeynta Xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali waxa uu shalay booqasho Mar-la-arag ah ku tegay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, waana Mas’uulkii ugu horreeyey oo Ethiopian ah oo booqda dalkaasi 20-kii sanno ee la soo dhaafay. Ra’isul-wasaaruhu waxa uu la kulmay Madaxweynaha Eritrea, Issias Efewerki oo ay ka wada hadleen hagaajinta Xiriirka labada Waddan iyo in la […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali waxa uu shalay booqasho Mar-la-arag ah ku tegay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, waana Mas’uulkii ugu horreeyey oo Ethiopian ah oo booqda dalkaasi 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaaruhu waxa uu la kulmay Madaxweynaha Eritrea, Issias Efewerki oo ay ka wada hadleen hagaajinta Xiriirka labada Waddan iyo in la iska illoowo Xilligii Colaadaha ee ay labada waddan ku kala irdhoobeen.

- Advertisement -

Labada Hoggaamiye oo Weji-ka-weji isku soo hor fariistay waxay si saraaxad leh uga wada hadleen Bilowga Xiriirka labada Waddan iyo sidii la isaga kaashan lahaa Arrimaha Nabadda, Socdaalka, Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Bulshdda labada waddan.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay Qado Sharaf lagu soo dhaweeyey waxa u usheegay inay isaga iyo Madaxweyne Efewerki ku wada heshiiyeen In Safaaraddaha labada Waddan dib loo furo, in Duullimaadkii Diyaaradaha la bilaabo, in la fudueeyo Dekeddaha iyo inay dadka isaga kala gudbi karaan labada Waddan.

- Advertisement -

“Waxaan Derbiga ku dumin doonaa Jacayl, waxaana la dhisi doonaa Buundo u dhexeysa labada Waddan” ayuu yiri ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo shalay si aan la qiyaasi Karin loogu soo dhaweeyey magaalladda Asmara.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea waxa uu daah-fur u noqon karaa in xal loo helo Colaadaha weli ka soxda Geeska Afrika iyo inay labada Dowladood ka shaqeeyaan Nabadda, si ana dib loogu noqonin Dagaalkii dhacay sannadihii 1998-dii ilaa 2000 oo lagu dilay in ka badan 80,000 oo qof..

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories