HomeCaalamkaRa’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Kulan Qarsoodi ahaa la yeeshay Saraakiil ka tirsan...

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Kulan Qarsoodi ahaa la yeeshay Saraakiil ka tirsan ONLF

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea ayaa waxaa ay sheegayaan in magaaladaas ay xalay ku kulmeen Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo xubno ka tirsan Madaxda Ururka ONLF. Kulanka labada dhinaca oo la sheegay in laga qariyay Warbaahinta ayaan ilaa hadda la ogeyn waxa looga wadahadlay. Kulanka ayaa ka dhacay Guriga Madaxtooyada ee Asmara,waxaana […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea ayaa waxaa ay sheegayaan in magaaladaas ay xalay ku kulmeen Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo xubno ka tirsan Madaxda Ururka ONLF.

Kulanka labada dhinaca oo la sheegay in laga qariyay Warbaahinta ayaan ilaa hadda la ogeyn waxa looga wadahadlay.

- Advertisement -

Kulanka ayaa ka dhacay Guriga Madaxtooyada ee Asmara,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay isku afgarteen in kulan rasmi ah oo dhexmara labada dhinac lagu qabto magaalada Adis ababa bilaha soo socda.

Golaha Wasiirrada ee uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaa dhawaan Baarlamaanka ka codsaday in liiska argagixisanimada laga saaro saddex Urur oo ay ka mid tahay ONLF,taas oo uu Baarlamaanka meel mariyay.

ONLF iyo Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadlay kulanka,hayeeshee ilo ku sugan Asmara kuna dhow Dowladda Eritrea ayaa sheegay in kulankaas qabsoomay.

- Advertisement -

Asmara waxa ay xarun u tahay Ururka ONLF,waxaana dhawaan ,lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha saddexaad ee Ururka halkaas oo lagu doortay Guddoonka iyo Golaha cusub ee Madaxda ONLF.

ONLF,waxaa ay soo dhaweysay go’aanka Baarlamaanka Itoobiya uga saaray liiska Argagixisada iyaga oo sheegay in ay wadahadal la furayaan dowladda Itoobiya.

Latest stories