HomeCaalamkaHaweeney Turkish oo taageerta Reer Falastiin oo lagu maxkamadaynayo Yuhuudda

Haweeney Turkish oo taageerta Reer Falastiin oo lagu maxkamadaynayo Yuhuudda

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

  Haweeneydaasi oo lagu magacaabo ERBU OZKAN waxaa shalay la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Quddus-ta La-haysto, iyadoo lagu eedeeynayo inay Boqolaal Dollar u gudbisay dadka Reer Falastiin. Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay Haweeneydaasi oo 27-jir ah ay xiriir toos ah la leedahay  Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS. Ebru Ozkan oo 27-jir ah waxaa […]

- Advertisement -

 

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo ERBU OZKAN waxaa shalay la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Quddus-ta La-haysto, iyadoo lagu eedeeynayo inay Boqolaal Dollar u gudbisay dadka Reer Falastiin.

- Advertisement -

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay Haweeneydaasi oo 27-jir ah ay xiriir toos ah la leedahay  Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

Ebru Ozkan oo 27-jir ah waxaa bishii hore ee June 11-dii lagu qabtay  lagu qabtay xilli ay ka dhoofi lahayd Garoonka Diyaraadaha ee Ben Gurion airport oo ah kan ugu weyn Yuhuudda.

Hay’adda Ammaanka Gudaha Yuhuudda ee SHIN BEIT waxay sheegtay in Haweeneydaasi loo xiray iyadoo khatar ku ah Ammanaka Yuhuudda iyo inay xiriir la leedahay mid ka mid ah Kooxaha Mukhaawamadda ee Reer Falastiin, isla markaana ay u gudbisay bqolaal Dollar iyo Jarjarada lagu kaarikeeyo Mobayladda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Hay’addda ma shaacinin Magaca Kooxda Falastiiniyiinta ee ay Haweeneydaasi la sheegay inay xiriir la leedahay, balse Warbaahinta Yuhuudda waxay baahisay inay Haweeneydaasi lacago u gudbin jirtay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

Kiiska Haweeneydaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad u dhexeysa Dowladda Turkiga iyo Yuhuudda, kadib, markii Danjirihii Yuhuudda u joogay Turkiga lagu amray inuu ka baxo Turkiga bishii May ee sannadkan sababo la xiriira Dibadbaxyadii Reer Falastiin ee ay Askarta Yuhuudda ku dileen Xuduudka Marinak Qasa.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Mevlut Kafusoglu  waxa uu dhawaan sheegay inay Maamulayaasha Yuhuudda kala xiriireen Kiiska Haweenyda Turkiga ee ku xiran yuhuudda.

Waxa uu ku baaqay in la soo gebagebeetyo Kiiskeeda oo uu ku tilmaamay dhibaato aan naxariis lahayn.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories