HomeCaalamkaDalalka Eritrea iyo Itoobiya oo heshiis wada gaaray

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya oo heshiis wada gaaray

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in dib boorka looga jafo xiriirka diblomaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal, kadib 18 sano oo ay dirirsanaayeen labada dal. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaia Afwerki ayaa arrintan ku dhawaaqay, kadib kulan taariikhi ah oo labada hogaamiye ku dhxemaray magaalada Asmara. […]

- Advertisement -

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in dib boorka looga jafo xiriirka diblomaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal, kadib 18 sano oo ay dirirsanaayeen labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaia Afwerki ayaa arrintan ku dhawaaqay, kadib kulan taariikhi ah oo labada hogaamiye ku dhxemaray magaalada Asmara. Waa markii ugu horeesay oo madaxda labadan dal ee dariska ah ay kulmaan muddo labaatan sano ah.

- Advertisement -

Labada dal ayaa waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo khadadkii taleefoonada iyo duullimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray labada wadan.

Xiriirka xumaaday ee labada dal ayaa ah mid salka ku hayo muran dhanka xadka u dhaxeeya labada wadan, kaasi oo dagaalka ka dhashay ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof tan iyo sagaashameeyadi.

Heshiis nabadeed oo dhexmaray Eritrea iyo Itoobiya sanadkii 2000 ayaa meesha ka baxay, kadib markii dowladda Itoobiya ay diiday inay aqbasho heshiiskii kama dambeysta oo dhigayay in dalka Eriterea lagu wareejiyo dhulka muranka uu ka taaganyahay oo ay kamid tahay magaalada Badme.

Latest stories