HomeCaalamka(SAWIRO): Madaxweynaha Eritrea oo si diiran u soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka ee...

(SAWIRO): Madaxweynaha Eritrea oo si diiran u soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka ee Ethiopia.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakayto ka degay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Eritrea ee Asmara. Madaxweynaha dalka Eritrea, Issias Efowerki iyo mas’uul badan waxay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia si diiran ugu soo dhaweeyeen Garoonka. Telefishinka Dowladda Eritrea waxa uu baahiyey Labada Hoggaamiye oo Salaan Sharaf ka qaadanaya Ciiddanka Bandayda ee kku sugnaa Garoonka […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakayto ka degay Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweynaha dalka Eritrea, Issias Efowerki iyo mas’uul badan waxay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia si diiran ugu soo dhaweeyeen Garoonka.

- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Eritrea waxa uu baahiyey Labada Hoggaamiye oo Salaan Sharaf ka qaadanaya Ciiddanka Bandayda ee kku sugnaa Garoonka Asmara iyo Muuqaalka Diyaaradda Ethiopian Airlines ee uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed la socday.

Labada Hoggaamiye waxaa soo dhaweeyey Haween ku labisnaa Dharka Hiddaha iyo Dhaqanka, kuwaasi oo ruxay Laamaha Geedka timirta, iyadoo Saraakiisha Dowladda Eritrea safaf dhaadheer u galeen soo-dhweynta Ra’isul-wasaraaha Ethiopia.

Soo-dhaweyntiisa waxaa ka soo qeyb galay Boqolaal qof, kuwaasi oo taagnaa hareeraha Waddooyinka, iyagoo ruxay Calanka Ethiopia iyo Sawirka Ra’isul-waasare Abiy Axmed.

- Advertisement -

Booqashadda u u Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ku tegay Eritrea waxaa shalay xaqiijiyey Fitsum Arega oo ah Madaxa Shaqaalaha ee Xafiiska Ra’isul-wasaare Abiy Axmed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories