HomeCaalamkaRa'iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray Magalada Asmara

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray Magalada Asmara

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa gaaray magaalo madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Booqashadan Ra’isal Wasaaruhu waxay jawaab u tahay kulan ay hore u yeesheen isaga iyo wafti heer sare ah oo ka tagey Eritrea oo ka wada xaajooday sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal udhexaysa. […]

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa gaaray magaalo madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Booqashadan Ra’isal Wasaaruhu waxay jawaab u tahay kulan ay hore u yeesheen isaga iyo wafti heer sare ah oo ka tagey Eritrea oo ka wada xaajooday sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal udhexaysa.

Dr Abiy waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, waxaanay labada dalba ku tilmaameen booqashadaas iyo shir madaxeedkaas ba kuwo lagu soo af jari doono colaaddii mudada dheer taagnayd.

- Advertisement -

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefdi heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

Heshiiskaa oo ay gaareen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin.

- Advertisement -

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.

Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono.

Latest stories