HomeCaalamkaQaxootiga Soomaalida ku nool Eritrea oo loo fududeynayo Fiisooyinka ay kaga bixi...

Qaxootiga Soomaalida ku nool Eritrea oo loo fududeynayo Fiisooyinka ay kaga bixi karaan dalkaasi.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ergayga Gaarka ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayo Wafdi her sare ah ayaa booqasho ku tegay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara. Wafdigaasi waxaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Waaxda Badbaaadinta Caalamiga ee UNHCR, Shahrzad Tadjbakhsh iyo Madaxa Sharciga ee Xafiis-gobaleedka UNHCR […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayo Wafdi her sare ah ayaa booqasho ku tegay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Wafdigaasi waxaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Waaxda Badbaaadinta Caalamiga ee UNHCR, Shahrzad Tadjbakhsh iyo Madaxa Sharciga ee Xafiis-gobaleedka UNHCR ee Afrika, Leonard Zulu.

- Advertisement -

Websaytka Hay’adda UNHCR ayaa lagu qoray inuu Ambassador Maxamed Cabdi Afeey la gaaray Dowladda Eritrea Ballanqaad Guul leh oo ah in Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi loogu soo saari lahaa Fiisooyin ay dalkaasi kaga bixi karaan, iyadoo xalka loo marayo Dib-u-celinta Qaxootiga doonaya inay iskooda  dib ugui laabtaan dalkooda hooyo ama haddii ay Waddan 3-aad ka helaan Dib-u-dejin iyo Deganaansho.

Ergayga Gaarka ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afeey waxa u uhoosta ka xariiqay in Hay’addaha wada-sahaqeynta la leh UNHCR, JHay’addaha QM iyo Daneeyayaasha ay Khuseyo door muhiim ah ka qaadan doonaan Codsiga Xafiis-gobaleedka ee ku aadan habka looga jawaabo Gacan-siinta sidii Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Eritrea loogu heli lahaa dalal kale oo ay Dib-u-dejin ka helaan.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey waxa uu ku baaqay Beesha Caalamka inay raageero dheeraad ah siiyaan Qaxootiga ku nool dalka Eritrea.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Dalka Eritrea waxaa ku nool Qaxooti Soomaali oo tiradoodu dhan tahay 2, 153 qof iyo 105 Qaxooti ka soo kala jeeda dalal kale, kuwaasi oo in ka badan 20-kii sanno ee la soo dhaafay Hay’adda UNHCR taageero iyo Dhaqaale siin jirtey.

Xigasho: UNHCR

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories