HomeCaalamkaHaweeney Soomaali oo loo doortay Golaha La-talinta ee Ra’iisul Wasaaraha Kanada

Haweeney Soomaali oo loo doortay Golaha La-talinta ee Ra’iisul Wasaaraha Kanada

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Habboon Cali oo ah Somali-Canadian u ololeysa Dhaqdhaqaaqyadda Dhallinyaradda ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Justin Trudeau. Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda  “The University of Toronto” oo la hadashay Shabakadda Wararka ee Muslim Link waxay faahfaahin ka bixisay xilka loo magacaabay iyo qaabka uu u sheego […]

- Advertisement -

Habboon Cali oo ah Somali-Canadian u ololeysa Dhaqdhaqaaqyadda Dhallinyaradda ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Justin Trudeau.

Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda  “The University of Toronto” oo la hadashay Shabakadda Wararka ee Muslim Link waxay faahfaahin ka bixisay xilka loo magacaabay iyo qaabka uu u sheego Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Ra’isul-wasaaraha dalka Kanada.

- Advertisement -

Waxay sheegtay in dabayaaqadii bishii hore loo magacaabay xubinnimadda Golahaasi oo 20-qof ka kooban, kuwaasi oo dhinaca La-talinta ugu qaabilsan Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey shaqsi ahaan hawsha loo xil-saaray waxay tilmaamtay in iyada mas’uul ka tahay bixinta Talooyinka Ra’isul-wasaaraha Kanada iyo Xukuumadiisa laga siinayso dhinacyadda Caafimaadka Dhimirka, Dib-u-heshiisiinta Shucuubta Asaliga, Kala duwanaanshaha, Hal-abuurka iyo Kobaca Dhaqaalaha.

Mar wax laga weydiiyey waxa ay ku soo kordhinayso Dhallinyarada ku nool Kanada, waxay Habboon Cali sheegtay inay u istaagi doonto sidii ay Dhallinyarada u heli laahaayeen Dhiirigelin iyoa inay Siyaasadda ka soo dhex muuqdaan.

- Advertisement -

“Waxaan rajeynayaa inaan wakiil u noqdo Dhallinyarada Mujtamacaygasida ugu wanaagsan ee ay awoodeyda tahay” ayey tiri Habboon Cali oo intaasi ku dartay inay tahay qof jeel Mustaqbalka Jiilka Cusub iyo inay u dodo arrimaha Caafimaadka, Helitaanka iyo Teknoolajiyadda.

Latest stories