HomeCaalamkaDEG DEG:-Dagaal culus oo ka socda deegaanka Mooyaale

DEG DEG:-Dagaal culus oo ka socda deegaanka Mooyaale

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wararka naga soo gaaraya degmada Mooyaale ee dhinaca Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu halkaasi ka socdo. Dagaalka oo ah mid qaraar isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu udhexeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega,sida ay sheegayaan dada goobjoogayaal ah. Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa la sheegayaa […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya degmada Mooyaale ee dhinaca Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu halkaasi ka socdo.

Dagaalka oo ah mid qaraar isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu udhexeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega,sida ay sheegayaan dada goobjoogayaal ah.

- Advertisement -

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa la sheegayaa inay isku heystaan dhul iyo hanti kale,waxana dagaalka ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray iyo dadka shacabka ah ee ku nool goobaha lagu dagaalamayo.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in dagaalka uu wali socdo isla markaana labada maleeshiyo beeleed oo gaaray gurmad kala duwan taasoo xaaladda kasii dhigi karta mid kasii darta,maadaama aysan sidoo kale socon waan waan lagu kala dhex galayo labada maleeshiyo si dagaalka loo joojiyo.

Dagaal horey labada maleeshiyo beeleed halkaasi ku dhex maray ayaa waxaa ku dhintay tobanaan ruux ooisugu jira maleeshiyaadkii dagaalamay iyo dad shacabka ah, iyadoo sidoo kale ay ku burburtay hanti farabadan.

Latest stories