HomeCaalamkaDayaarad Ra'iisul Wasaare qaadi lahayd oo shidaal loo waayey

Dayaarad Ra’iisul Wasaare qaadi lahayd oo shidaal loo waayey

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Guddiga maamulka dayaaradda LAM Airlines ee Mozambiik ayaa shaqadii laga eryey, ka dib markii ra’iisul wasaaraha dalka iyo rakaab kale ay xayirmeen, ayadoo dayaaraddii qaadi lahayd loo waayey shidaal lagu shubo. Carlos Agostiho do Rosario, ayaa markii dambe qaatay dayaarad ay ciidanka cirku leeyihiin oo uu u adeegsaday socdaalkiisa rasmiga ah ee uu kaga ambabaxayey […]

- Advertisement -

Guddiga maamulka dayaaradda LAM Airlines ee Mozambiik ayaa shaqadii laga eryey, ka dib markii ra’iisul wasaaraha dalka iyo rakaab kale ay xayirmeen, ayadoo dayaaraddii qaadi lahayd loo waayey shidaal lagu shubo.

Carlos Agostiho do Rosario, ayaa markii dambe qaatay dayaarad ay ciidanka cirku leeyihiin oo uu u adeegsaday socdaalkiisa rasmiga ah ee uu kaga ambabaxayey caasimadda, Maputo, kuna aadayey gobolka Niassa ee waqooyiga.

- Advertisement -

Dayaaradda LAM Airlines oo ay dawladdu leedahay ayaa waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in “mushaakilkan” uu taagnaa muddo 3 maalmood ah.

Wararku waxay sheegayaan in shirkadaha shidaalka bixiya ay dalbadeen in la siiyo lacago hore oo ay ku lahaayeen.

- Advertisement -

Dayaaradda ayaa arrintan ku tilmaantay mid “waji gabax” ah, waxayna sheegtay in ay ka shaqaynayso in duullimaadyada ay sii socdaan Jimcaha, ka dib markii ay xukuumaddu soo fara gelisay, sida uu sheegayo wariye BBC ka tirsan.

Waxay raalli gelin siisay macaamiisheeda, waxayna ka codsatay dadka safraya inay soo wacaan si ay u helaan xogta ku saabsan duullimaadyadooda.

Xayiraad muddo lix sano ah ka saarnayd dayaaradda inay ka shaqayso midowga Yurub ayaa la qaaday sannadkii hore.

Waxaa lagu soo rogay markii midowga Yurub uu sheegay in maamulka duullimaadka uusan ahayn mid hagaagsan.

Mosambiik ayaa mushkilad dhaqaale wajahaysay tan iyo 2015, waxaana laga goostay inta badan heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee ay gashay iyo kaalamadii ay dibadda ka heli jirtay, ka dib markii ay xukuumaddu qiratay deyn aan la ogeyn halka uu ka yimid oo gaaraya 1.4 bilyan oo dollar sannadkii 2016.

Latest stories