HomeCaalamka(SAWIRO): Boliska Koonfur Afrika oo war ka soo saaray Ninkii Soomaaliga ee...

(SAWIRO): Boliska Koonfur Afrika oo war ka soo saaray Ninkii Soomaaliga ee dadka ku dilay Masjid ku yaalla dalkaasi

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Baarayaasha Waaxda Dembiyadda ee Boliska dalkaasi waxay maanta soo saareen Warbixin ku aadan Weerarkii uu Nin Soomaali ah bartamihii bishii hore ka geystay Masjid ku yaalla magaalladda Malmesbury oo 65 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Cape Town. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee bishii June […]

- Advertisement -

Baarayaasha Waaxda Dembiyadda ee Boliska dalkaasi waxay maanta soo saareen Warbixin ku aadan Weerarkii uu Nin Soomaali ah bartamihii bishii hore ka geystay Masjid ku yaalla magaalladda Malmesbury oo 65 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Cape Town.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee bishii June 14-da uu taariikh ahaan ahaa Nin dhimirka ka xanuunanaa.

- Advertisement -

Weerarkaasai waxaa lagu dilay 2-qof oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka,  iyadoo 2-kalena lagu dhaawacay.

Baarayaasha waxay xuseen inaan weli la ogaanin sababta uu u geystay weerarkaasi, waxayna meesha ka saareen inuu wax xiriir ah la lahaa Kooxaha Xag-jirka, waa sida lagu xusay Warbixintaas.

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Dembi-baarista dalka Koonfur Afrika, Philane Nkwalase waxa uu sheegay inuu Ninka dilka geystay uu ahaa Bukaan-socod dhimirka ka xanuunsanaa, kaasi oo tan iyo sannadkii 2013-kii ilaa haatan ay daaweyn dhinaca Dhimirka uga socotay Isbitaalka Cilmi-nafsiga ee Karl Bremer Hospital ee magaalladda Bellville.

Afhayeenka waxa uu tilmamaay in Ninkii weerarkaasi geystay la oran jirey Nuur Carawal oo 23-jir ahaa, balse dadka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika waxay magaca ninkaasi ku sheegeen Nuur C/lle Carraale, oo lagu naanaysi jirey Nuur Turaayo

Baarayaasha Boliska ee dalkaasi waxay Warbixintooda ku sheegeen inay maydka Marxuumkaasi ku wareejiyeen Qoyskiisa, lana filayo in loo soo qaado Somalia, si loogu aaso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories