HomeCaalamka(SAWIRO): Maayar Soomaali ah oo Donald Trump ka mamnuucay inuu booqasho ku...

(SAWIRO): Maayar Soomaali ah oo Donald Trump ka mamnuucay inuu booqasho ku yimaado magaalladda uu Maayarka ka yahay.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Muwaadinka Soomaalida ee  Duqa magaalladda ka ah magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ka mamnuucayo inuu booqasho ku yimaado magaalladdaasi, marka uu Donald Trump bishan 13-da booqashadda ku tago dalka Britain. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Maayar Maajid ku xusay inuu Madaxweyne Trump nin wasaq […]

- Advertisement -

Muwaadinka Soomaalida ee  Duqa magaalladda ka ah magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ka mamnuucayo inuu booqasho ku yimaado magaalladdaasi, marka uu Donald Trump bishan 13-da booqashadda ku tago dalka Britain.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Maayar Maajid ku xusay inuu Madaxweyne Trump nin wasaq ah (Wasteman), waa sida uu hadalka u dhigay oo aan mudnayn inuu soo booqdo magaalladda uu Mayaarka ka yahay.

- Advertisement -

Maayar Maajid oo 27 jir waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay Sawirkiisa, isagoo wata Fannaand ay ku qoran tahay “Trump is wasteman”.

Maayarka oo watay Koofiyadda ay dadka Meksikaanka caanka ku yihiin waxa uu sheegay in maalinta uu Madaxweyne Trump imaan doono dalka UK bishan 13-da uu  u aqoonsaday Maalin taageero loogu muujinayo dalka Mexico.

Wareysi uu siiyey Wargeyska METRO, waxa uu sheegay inuu Donald Trump wasaq ku yahay falkii uu ku xabisay Carruurta ee Xuduudka dalka Mexico, wuxuuna intaasi ku daray inuusan aqoonin wax uu ku tilmaamo Donald Trump

- Advertisement -

Duqa magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid oo 28-jir waxa u soo jiiray Dareenka Warbaahinta, isagoo ah Maayarkii ugu da’da yar ee xil ka qabta  magaalladda Sheffield ee Koonfurta YORKSHIRE.

Maajid Maajid waxa uu dalka Britain tegay isagoo 5 jir sannadkii 1994-kii, wuxuuna noqday Maayarkii ugu horreeyey ee ka tirsan Xisbiga Cagaaran “Green Party” iyo Muwaadinkii ugu horreeyey ee Somali ah oo xilkaasi qabta.

HALKAN KA AKHRISO  QORAALKA TWITTER-KIISA:

https://twitter.com/MagicMagid/status/1014494400532148225

WARBIIXNTA Links: 

www.newshub.co.nz/home/world/2018/07/sheffield-s-lord-mayor-magid-magid-bans-donald-trump-from-visiting-the-city.html

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories