HomeWararKulan amniga ku saabsan oo Wasiiro iyo Saraakiil ku dhexmaray Muqdisho

Kulan amniga ku saabsan oo Wasiiro iyo Saraakiil ku dhexmaray Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay dardargelinta hawlgalada lagu xasilinayo amniga caasimadda Magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo xubno kale. […]

- Advertisement -

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay dardargelinta hawlgalada lagu xasilinayo amniga caasimadda Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

- Advertisement -

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa aad looga hadlay sida ugu sahlan ee loo dardargelin karo sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyada oo ay iskaashanayaan ciidamada amniga iyo shacabka.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ammaanka ayaa bixiyay warbixino ku aadan sida lagu hormarin karo qorshayaasha lagu sugi karo ammaanka Magaalada Muqdisho.

“Shirka oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa looga dooday sidii sida ugu dhaqsiyaha baan loogu bilaabi lahaa wajiga labaad ee hawlaha xasilinta caasimadda, maamulka gobolka wuxuu ka qaadanayaa wixii looga baahnaa, waxaan diyaar u nahay in la arko magaalada oo nabad ah, waxaan rajeyneynaa in wajiga labaad ee xasilinta marka uu bilowdo in magaalada si weyn looga dareei doono.” Ayuu yiri Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Shirkan ka dhacay Aqalka Dowladdda Hoose ee Xamar ayaa qeyb ka ah kulamo maalmihii dambe lagu qabanayay magaaladda Muqdisho, waxaana looga hadlayay xoojinta amniga caasimadda.

Latest stories