HomeCaalamkaHaweeney Soomaali oo loo doortay Golaha La-talinta ee Ra’isul-wasaaraha Kanada.

Haweeney Soomaali oo loo doortay Golaha La-talinta ee Ra’isul-wasaaraha Kanada.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Habboon Cali oo ah Somali-Canadian u ololeysa Dhaqdhaqaaqyadda Dhallinyaradda ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Justin Trudeau. Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda  “The University of Toronto” oo la hadashay Shabakadda Wararka ee Muslim Link waxay faahfaahin ka bixisay xilka loo magacaabay iyo qaabka […]

- Advertisement -

Habboon Cali oo ah Somali-Canadian u ololeysa Dhaqdhaqaaqyadda Dhallinyaradda ee dalka Kanada ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Justin Trudeau.

Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda  “The University of Toronto” oo la hadashay Shabakadda Wararka ee Muslim Link waxay faahfaahin ka bixisay xilka loo magacaabay iyo qaabka uu u sheego Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Ra’isul-wasaaraha dalka Kanada.

- Advertisement -

Waxay sheegtay in dabayaaqadii bishii hore loo magacaabay xubinnimadda Golahaasi oo 20-qof ka kooban, kuwaasi oo dhinaca La-talinta ugu qaabilsan Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Mar wax laga weydiiyey shaqsi ahaan hawsha loo xil-saaray waxay tilmaamtay in iyada mas’uul ka tahay bixinta Talooyinka Ra’isul-wasaaraha Kanada iyo Xukuumadiisa laga siinayso dhinacyadda Caafimaadka Dhimirka, Dib-u-heshiisiinta Shucuubta Asaliga, Kala duwanaanshaha, Hal-abuurka iyo Kobaca Dhaqaalaha.

Mar wax laga weydiiyey waxa ay ku soo kordhinayso Dhallinyarada ku nool Kanada, waxay Habboon Cali sheegtay inay u istaagi doonto sidii ay Dhallinyarada u heli laahaayeen Dhiirigelin iyoa inay Siyaasadda ka soo dhex muuqdaan.

- Advertisement -

“Waxaan rajeynayaa inaan wakiil u noqdo Dhallinyarada Mujtamacaygasida ugu wanaagsan ee ay awoodeyda tahay” ayey tiri Habboon Cali oo intaasi ku dartay inay tahay qof jeel Mustaqbalka Jiilka Cusub iyo inay u dodo arrimaha Caafimaadka, Helitaanka iyo Teknoolajiyadda.

Xigasho: Muslim Link

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories