HomeCaalamkaXildhibaano Nairobi ku soo dhaweeyey Qalbi-Dhagax

Xildhibaano Nairobi ku soo dhaweeyey Qalbi-Dhagax

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka naga soo gaaraya Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu halkaasi gaaray Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo maalma kahor laga siidaayey Xabsi ku yaalla Itoobiya,isla markaana ka mid ah Jabhada ONLF. Qalbi-Dhagax oo ka ambabaxay Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha JKIA ee Magalada Nairobi […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu halkaasi gaaray Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo maalma kahor laga siidaayey Xabsi ku yaalla Itoobiya,isla markaana ka mid ah Jabhada ONLF.

Qalbi-Dhagax oo ka ambabaxay Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha JKIA ee Magalada Nairobi kusoo dhaweeyey xildhibaano,Sanotero,Siyaasiga faarax macalin iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

- Advertisement -

Dadka soo dhaweeyey waxaa ka mid ah xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Waxaa ilaah mahadiis ah inaan walaalkeen halgamaa C/karim Sh. Muuse Qalbi Dhagax aan ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee caawa ku soo dhoweeyey garoonka JKIA ee Nairobi..

C/karim waa nin Qalbi wanaagsan, Soomaali xalaal ah, ay ka muuqata duntiisa wanaagsan iyo abaalka uu u hayo Soomaali oo dhan.

- Advertisement -

Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu wareejisay dowladda Itoobiya,basle lagu soo daayey cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ayaa la midoobi doona qoyskiisa oo ku sugan dalka Kenya,waxana la filayaa in maalmaha soo socda munaasabado soo dhaweyn ah Nairobi loogu sameeyo.

Latest stories