HomeCaalamka(SAWIRO): Haweeney Ethiopian ah oo dil iyo dhaawac u geystay carruur walaalo...

(SAWIRO): Haweeney Ethiopian ah oo dil iyo dhaawac u geystay carruur walaalo ah.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Waybsaytka Teefishinka Alarabiya waxa uu maanta qoray in Haweeney Ethiopian oo shaqaale guri (Adeegto) u ahayd Qoys Sacuudiyaan ah inay Tooreey ku dishay gabar 11-jir ah, halka ay dhaawacday wiil la dhashay gabadha. Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, iyadoo Adeegtada falkaasi geysatay xilli ay Waalidiinta carruurtaasi ku maqnaayeen shaqo. Ilo […]

- Advertisement -

Waybsaytka Teefishinka Alarabiya waxa uu maanta qoray in Haweeney Ethiopian oo shaqaale guri (Adeegto) u ahayd Qoys Sacuudiyaan ah inay Tooreey ku dishay gabar 11-jir ah, halka ay dhaawacday wiil la dhashay gabadha.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, iyadoo Adeegtada falkaasi geysatay xilli ay Waalidiinta carruurtaasi ku maqnaayeen shaqo.

- Advertisement -

Ilo ku dhow Qoyskaasi ayaa sheegay inay Adeegtada markii hore ay 14-jeer Tooreyda ku dhaawacday wiilka, ka hor inta uusan ka baxsanin, iskuna xirin Suuliga guriga.

Haweeneyda waxay kaloo tooreeyda dhowr jeer la dhacday ilaa ay ka geeriyootay gabar 11-jir ah oo la dhalatay wiilka la dhaawacay.

Shabakadda Telefishinka Alarabiya waxay kaloo qortay inuu Wiilkii la dhaawacay uu si qarsoodi ahTelefoon ugu diray Hooyadiisa, una sheegay falka ay Adeegtadii isaga ku dhaawacday, kuwna dishay Walaashiisa.

- Advertisement -

Hooyadda waxay si degdeg ah u wacday Boliska oo ay ku wargelisay dhacdadaasi, waxayna iyada iyo Ciiddanka si wadajir ah u tageen guriga Qoyskaasi.

Isla markii ay Ciiddanka gaareen halkaasi waxay caddeeyeen inay gabdha yar geeriyootay, halka Walaalkeeda loola cararay Isbitaalka, si uu u helo Gargaar iyo Daryel Caafimaad oo Khaas ah.

Haweeneydii Ethiopianka oo isku xirtay qol, waxay Ciiddanka u sheegtay markii ay soo qabteen inay gashay Dembigaasi, iyadoo loo gudbiyey Waaxda Dembi-baarista Boliska Sacuudiga.

Safaaradda Dowladda Ethiopia ku leedahay dalka Sacuudiga waxaa la sheegay inaysan weli ka hadlin Kiiska loo haysto Haweeneyda Ethiopianka ee dilka iyo dhaawaca u geysatay carruurta  qoyskii ay Adeegtada u ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan kala caddayn sababta ay  Adeegtadda tooreey ula dhacday Ilmaha reerka ay u shaqeynaysay.

Xigasho: alarabiya.net

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories